MAHADNAQ IYO DHIIRI GALIN

Ka: Musharax Ali Mahdi Hussein

      golaha degaanka Hargeisa

 

Waxaan u mahadnaqayaa marka hore madaxweyenaha somalilanad mudane Muuse Biixi Abdi iyo cid kastoo soo abaabushay barmamishkan shaqo qaran oo uu ugu horeeyo gudoomiyaha hayada shaqo aqaran mudane Mohamed Hussein Osmaan ( MUADINKA)

Waa guul weyen oo u soo hoyatay qarankeena somaliland oo waajib ah in la hanbalyeeyo oo waliba la dhiiri galiyo. Umadi waxaa ay ku dhisantaa amba qaran ku dhismaa dhalintoo la tobabaro oo la jacleysiiyo wadaniyada taasina waxay imanaysaa in lagaliyo dhalinyarada wakhti badan.

Dhalinyaradu waa madaxdii bari dalkan hogamin laheyed sidaa awgeed waxay inooga bahan yihiin in aynu barno cadaalad, sinaan, hogaamin fiican iyo wadan jacyel. Waxaana ay ku baran donaan dhalinyaradu marka la xareeyo oo shaqo qaran ay soo maraan sida hada loo xareeyey oo kale.
Anigoo ah musharax Ali Mahdi Hussein oo u sharaxan golaha degaanka Hargeisa ee la filaayo in ay qabsoonto dabayaaqada 2019 ayaan mar kasta dhiiri galinta dhalinyarada iyo difaaca qaranka aan diyaar u ahay cid kastana kula talinayaa in aynu danta caamka aynu ka hore marino danta shaqsiga haduu Alle yidhaa.

 

Ali-shabac Mahdi Hussein

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker