JEEGAANLAND

NIn Dawee La leeyahay

Denbi uu  Badh leeyahay
Xalka Doon la leeyahay.
 Abwaan gaariye  AHN
Hantidda qaranka ee La Boobey,  Maqaal   kuma soo koobi karno, Masuulka ugu sareeya qaranka ee maanta . Madaxweyne, MUUSE CABDI DAMEER, ayaa ugu Badan hanti Boobka.
1. Beertii   Cismaan Dacas
2.Guryahaya uu Haysto illaa maanta Waa BOOLI QARAN
3. Dekkeda Berbera
4.Gegidda Diyaaraddaha Berbera.
5.Warshadda laydhka Hargeysa
6.Warshadda Laydhka Berbera
7.Laynka booliska Hargeysa
8.Xanaanadda Caruurta Hargeysa
9.Rugta Kutubta Hargeisa
10.Sariibadda  oktoober
11. Hargeisa Womens Club
12.Haamaha Keydka Shidaalka
Qoraal laguma soo koobi karo, Hantidda  qarankan ka maqan,  waa Tusaale yar intaa  aan kur ku xusey. Madaxweynaha Qaranka, waxaa laga filaayey, maadaama uu  Hanti boobka ummadda , ugu qaadasho  Badnaa, bal in Caqligu shaqeeyo, oo uu wanaag ku badallo,  fuulxumadda uu qaybta ka ahaa.
Gacan Qaadis baratey, maxaa laga Filayaa??.   Waxaa taa ka sii daran. hadda waxa laga joogaa, muddada uu xilka hayo, madaxweyne Muuse 14 Bilood. maxaa  Dhacay.
Madaxweynaha  Iyo Midnimadda  Shacabka.
Waxaa  marag ma doonta intii uu xilka hayey, Muuse  inuu  kala qaybinta bulshadda aad uga shaqeeyey. ujeedo uu ka leeyahay, aan la garan.  mar  dadka waxuu u kala qaaddaa  Berri  iyo Galbeed.  mar qabyaaladd  ayuu ku kala qaybiyaa.  qofna maanta  kama  qarsoona kala qaybsanaanta shacabkii jamhuuridda barakeysan ee Somaliland.
Waddankii iyo Shacabkii MIdeysnaa , Muuse waa  kale  qaybiyey   dadkii qaranimmada Somaliland ku faani jirey, wuxuu ugu yeedhaa  SOOMAALIWEYN
Qarankii SOMALILAND  wuxuu, ku beddelay, JEEGAANLAND.   Maanta waxaa jira Jabhaddo mucaarid ah, CAARRE, WEBBER iwm.
GOLAHA WASIIRADDA
Dadka wasiiradda ka ah, xukuumadda , maanta taladda haysa , Bal hoos aynu u eegno. waa dad , shacabku ugu yeedhaan ABAA YAABEY.
1. Wasiir  BARWAAQO
waa wasiirka warfaafinta, Dhaqanka, wacyigelinta.   waa  ninka  dhaqan xumaddiisa  golaha guurtidda  Somaliland ay ka soo saartey qaraar ka dhan ah fadeexadda iyo xumaanta uu dhex fadhiyo ee uu buugaagta ku qorey,  Cayda haweenka , hooyooyinka , iyo   bir mageydadda  aan cay loo quudhin. kii baa wasiir dhaqan ka ah, Xukuumadda Muuse,  Xilka  waxa lagu  siiyey  cayda umadda.  malahaya   Madaxweyne muuse ayaa XUmaanta Jecel  YAAB.
Waxaa uu caan ku noqdey wasiirkii   kala qaybinta shacabka Somaliland. waxa uu ugu yeedhaa, Shacabka inta  Qabiilkooda ah, SOMALILAND  inta kalena oo runtii 80% ah, Waa SOOMAALIWEYN.  ninka Haweenka ka xishoon waayey maxaad ka Filaysaa.
2. Wasiir C/lahi ABOKOR
Waa wasiirka Gaadiidka, waa ninkii  qaranka Somaliland  ,ku sheegi jirey Argagixiso, ee  Cadowga ku soo hogaamiyey, waa ninkii  Ciidamadda qaranka RRU  kale hor yimid hub,  markii  la xidhayey,   waa  Dambiile Qaran kiibaa wasiir ka ah  maanta.   wasiir ha joogtee xil qaran iska daaye, waxay ahayd  in qaranka laga ilaaliyo.
Shacabka sharafta  baddan ee Somaliland, ilaah  baa  u maqan, waxaan allah uga baryayaa in uu ka kor qaado  kadeedka,  oo  ay helaan   Maddax  Qaranimadda  u hiilisa  ,  Qabyaaladd  iyo hanti Boobka, madax banaan, oo  waddaniyiin ah,
keyse Kahin

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker