Ciidanka Booliska Somaliland Dambiilayaal Adeegayaal Iska-Dhigaaya: Q1aad Maxamuud Jaamac Axmed (Xamdi)

Taariikhdu markay ahayd 28/02/2019 xiisad aan u lahaa oo aan u dhigaayay (arday jaamacadeed) mid ka mid ah (jaamacadaha) Hargeysa ayaanu dood ka galnay nidaamka guud ee bulsheed ee dalkeena, taasoo toos noogu biyo shubtay in aanu ka hadalno ciidamada siiba booliska.

Fasalkaasi aan xiisada u dhigaayay waxay doodiisu xiiso gaar ah iigu yeelatay maadaama ardayda dhiganaysay ay isugu jireen da’o kala duwan laga bilaabo 22 jir ilaa 50 jir, taasoo ay xitaa ku jiraan kuwo ka mid ahaa jabhadii SNM, halka shaqooyinkooda hadda ay ku filiqsan tahay qaybaha kala duwan ee bulshada, taasina ay aragti kala duwanaasho weyn siinayso doodda.

Doodaayadu waxay socotay ugu yaraan laba saacadood, taasoo ahayd su’aalo is-weydaarsi iyo inuu dacal walba soo bandhigo caddaymo uu ku xoojinaayo aragtidiisa, in kastoo xiisadaha aan dhigo aan mar walba ardayda ku dhiirigaliyo inay doodaan, isla markaana aan isla qodobkan hore uga doodnay fasalo kale oo ka horreeyey, laakiin arrinta igu kaliftay in aan qormadan ka diyaariyo doodaasi wakhtigan waxay tahay laba sababood dartood:
1. Wacyi bulsheed oo soo kobcaaya maalmahan dambe oo soo fahmaaya xaqiiqada booliska, taasoo aan jecelahay in aan kaalin ka qaato kobcintiisa, iyadoo ay suuragal ahaan lahayd in haddii hal sano ka hor aan soo bandhigi lahaa aragtidan in aan ku keliyeysan lahaa.
2. in aan awdo doodo-jaban oo caqliga khilaafsan oo lagu wiiqi karo fahanka waaqaca dhabta ah ee booliska oo ah inay yihiin dambiilayaal doonaaya inay noqdaan dambiilayaal sharfan.
Aniga mawqifkaygu wuu caddaa oo waa ka sawirka ka muuqda, taasoo aan ku xusay si faah-faahsan buugga aan qoray ee magaciisu yahay (Xor Ma Tahay?) kaasoo ah in Booliska Somaliland yahay dambiilayaasha bulshada, isla markaana ay xoog iyo muquunin ku kasbadeen shaqadooda, bulshaduna ay cabsi darteed arrintaasi uga yeeshay, iyadoo ay dooddayda ka dhalanayso in aanay suuragalba ahayn in ciidamada booliska Somaliland laga filo inay sharci ilaaliyaan ama inay ku dhaqmaan.

La Soco Qaybta 2aad….

F.G: iibso buugga (Xor Ma Tahay?) si aad qaab cilmiyaysan u fahantid nuxurkan, ka eeg faah-faahinta badhinkan

(https://mxamdi.files.wordpress.com/2019/02/koobidda-buugga-xor-ma-tahay-ilaahay-keliya-addoon-u-noqoxamdi.pdf?fbclid=IwAR3f0RK_msafjNWqqJjN7BfduwWEOg_gJV4NLfszisBU77CB_nL4lwyKrWM

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker