Annaga oo ah odayaasha jaalidaha reer Somaliland ee deggen carriga ingiriiska

Bismillaahi Arramanirraxeem.

Dhammaan ummadda reer Somaliland iyo warbaahintooda waxaanu idin leenahay Asalaamu calaykum wa raxma tullaah wa barakaatuh

Annaga oo ah odayaasha jaalidaha reer Somaliland  ee deggen carriga ingiriiska

Waxaa naga degi wayday u qaadan waa nagu noqotay go,aankii ay gaadheen golaha guurtida Somaliland  ee ahaa in la gubo lana tirtiro buuggii uu qoray wasiirka warfaafinta iyo dhaqanka somaliland ee dhaqan xumada ku kacay ee hablaha soomaaliyeed  wax ugu dhimay buuggas uu qoray kaas oo aan qaban dumarka muslimiinta dhammaan

Waxaanu u aragna in go,aankaasi u ahaa tiixbuu ahaa waanu qaaday yaanay moodin in la illaaway arrinta dalka caalamka aqoonsiga ka doonaaya ee sharafta dalka wax u dhimaysa

Saddex ayaa guddoonka kaa qaada guddoon jilicsan

Gacan gudhan iyo gar weecan waxaanu uga digayna go,aankii golaha guurtidu caalamka maqashiyeen in aanu dhicisoobo oo ay fuliyaan

Talo soo jeedin

  1. In golaha guurtida dalka jamhuuriyadda Somaliland ee barakaysan anay barakada ka qaadin ee ay kaga dhabeeyaan go,aankii la wada maqlay dal iyo debadba .
  2. in ay ka hadlaan culimadu iyo aqoonyahanka dalka danta ka leh
  3. ummadda somalidu waa dad muslimiin ah iyo xeerka sinada bannaynaaya la joojiyo si aanay bar madaw ugu noqon taariikhdana ugu galin madaxwaynaha mudane muuse Biixi cabdi
  4. in dib loo soo celiyo heshiiskii lagu heshiiyey Somaliland mida.
  5. In bulshada reer Somaliland aanay ku kala tagin siyaasadda danaystaha waa shacab isku dan ah waxaa looga bahanayahy in caqliga waanasani shaqeeyo dalkana wada ilaashadaan Siyaasigu wuu tagi laakiin dalku tegi mayo.
  6. In aqoonhanku madax samaystaan yacni guddomiye yeeshaan.
  7. In dadka danyar lagu sheego sida la sheegay maalqbeenada jannada uga horraynaya
  8. In ay golaha guutidu sharaftooda ilaashadaan Dalkana dantiisa ka taliyaan

    Ha u habran mid kula mida oo nafta kugu jirta oo kale ay ku jirto

    ha dulqaadan dulmi kuu muuqda oo aad arkayso.

    Waxa laga yaaba haddii aad xaqdarro cid lagu samaynaayo iska idha tirto dabadeed naftu kaa baxdo oo aanay toobbaadu khaatuma kuugu khatinmin waaa haadii ALLAH naftaadu gacantiisa ku jirta aad rumaysantay

    Ha dhiman adiga daalim ah si aanad suu,aalaha mala,igku ku wadinayso aanad ugu margan

    ALAHOOW SU,AASHA NOO FUDUDEE

    AMIN

    Deeq Cabdi Digale

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker