SAHANKII KULMIYE SOW MA AHAl

Maalmahan waxaa ku cusub wararka siyaasada Somaliland oo aad ku arkeysaa website yada iyo Tv yada iyadoo laga hadlayo siyaasiyiin u boqoolay dhinaca muqdisho,haddaba kolkii aan baadhay nimankan oo aan raadshay waxaa ii soo baxay arin aanay dadku kaba fekerin,waayo dadka waxa madaxooda ka buuxsamay qabyaalad.
Ugu horeyntii waxaa ii soo baxday in siyaasiyiintan ay ka tirsanaayeen xisbiga kulmiye oo ay ka soo qabteen dowladii kulmiye heer ilaa wasiir ku xigeeno amba wasiirudowle. Hadaba kolkii uu warku soo baxay waxa fal celin ah oo ka soo baxay masuuliyiinta xisbiga kulmiye ma jirto oo aan ka ahayn wasiir ku xigeenka gudaha oo aan isna sheegin wixii kaga haboonaa ka xisbi ahaan ee ku sheegay waa ay shaqo raadsadeen,taasina ma jawaab siyaasadeed oo dabooli karta sumcad xumada ay ku keeneen xisbiga iyo xukuumadaba.
Waxaan is leeyahay laba arimood ayuun buu noqonayaa arinka nimankaasi (a) in ay u sahan tageen oo xisbigu uu dirtay oo ay u yihiin sahan iyo (b) in ay ka hor dhaceen siyaasadii qarsooneyd ee xisbiga ee ku wajahneyd Somaaliya oo ay is leeyihiin kolba hadii arintu sidaas tahay yaan la idiinka dheerayn muqdisho.Waxaan kaloo la yaabsanahay aaway gudigii anshaxa xisbiga kulmiye ee sida degdega waraaqaha u soo saari jiray ee odhanjiray xisbigii waa laga saaray sidii ku dhacday kaadiriintii xisbiga Jamac shabeel, Geeljire,Cali abdi. Kol hadii aanay kulmiye ka soo bixin warqad lagaga saaray xisbigii nimanka weli waa kulmiye sharciyan.
Guntii iyo gunaanadkii waxaan xasuustaa waqtigii ololaha doorashada kulmiye oo ku sheega wadani waa somaliweyn ee iminka talow ma waxa ay sugayaan in siyaasiyiinta tagay reerahooda ay ka soo jeedaan ay yidhaahdaan waa somaliweyn ilay waa kuwaas hadli waaye eh.
Abdi Abdi
madoobe2@hotmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker