Maxaad Kala Socotaa Farqiga Lacageed ee u dhexeeya Murashixiinta Baarlamaanka Wadamada Somalia iyo Uganda

Kampala (OWN)  Musharrixiinta u tartameysa doorashada baarlamaanka Uganda ee soo socota ayaa  lagu soo rogay inay bixiyaan lacag ku dhow siddeed boqol oo dollar ($800), taasi oo u dhiganta saddex milyan oo shilling-ka Uganda ah.

Mucaaridka Uganda ayaa si weyn uga cawday lacagtaasi lagu waajibiyey musharaxiinta baarlamaanka, Taasoo ay ku sheegen qorshe ka dhan ah mucaaridka oo lagu rabo in meesha lagaga saaro.

 

 

Waxay ku eedeeyen Madaxweyne Yoweri Museveni iyo xulafadiisa inay qaali ka dhigeen u tartamida baarlamaanka, si loo wiiqo awoodii mucaaridka ama si fudud looga takhaluso siyaasiyiinta mucaaridka ku ah.

Joel Ssenyonyi, oo ah af-hayeenka Madasha Midnimada Qaranka, ahna musharax baarlamaan laftiisu, ayaa ku sheegay wareysi uu bixiyey in lacagta laga rabo ay ka reebi karto siyaasiyiinta mucaaridka ka qeyb-galka tartankaasi.

 

 

“Xidhiidh toos ah kama dhexeeyo qof taajir noqda iyo inuu noqdo hogaamiye wanaagsan. Qaar badan oo ka mid ah dadka musuq-maasuqa sameeya, ee dhaca lacagta canshuur bixiyeyaasha, ayaa si dhakhso ah taajirnimo U Noqda,” ayuu yidhi.

Dooddan ayaa kusoo aadeysa xili musharixiinta baarlamaanka Uganda laga rabo inay bixiyaan lacagtaasi dhamaadka toddobaadkan, taasi oo ku taariikheysan Khamiista.

 

 

Dhinaca kale, Musharixiinta xildhibaanada Aqalka Sare ee Soomaaliya ayaa iyaguna dhawaan lagu soo rogay inay bixiyaan lacag dhan 20-kun oo dollar oo diiwaan gelin ah, halka kuwa Aqalka golaha shacabka laga rabo 10-kun.

 

 

Lacagaha musharixiinta baarlamaanka Uganda iyo Soomaaliya ayaa kala badan xadi ku dhow 10-jibaar.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker