Culimada & waxgaradka Ceel-Afweyn Nabada u jooga Ilaahay haku guuleeyw, Laakiin Nabadu waxay ku xidhmi …

Ilaahay Ceel Afweyn Nabad ka islaaxiyo, Laakiin Nabarka Dusha laga dhayo
Mililkiina hooseeyo, dawadiisii weli lama helin, Ceel Afweyn, Wasiirkii Siilaany
ee Muhanad & Ina Kaahin, oo hubka dirayey, Suldaamada hubka u dhiibiyey
Beeshii Afarta goor dhaarta jebisey, Askarigii Saraakiisha Dhabarka ko toogtey
ee abaal gud & Aroos laysugu daray, iyadoo waxaasi jiri, inta la qariyo, aan cid
Sharciga la hor keenin, ee Ergada & Nabada qaata uun lagyu dhameeyo, waa
wax aan gunta la xaadhin ee korka laga xaadiyey.
Kolkaa Culimada & Ergadaba alla haku asturo, laakiin xukun caadliya oo lagu
kala bogsado ha dhaco, Ina Kaahin, & uldaamadii hubka gurayey, Ragii Saraa-
iikasha dhabarka ka toogtey intiiba ergeda horteeda halagu maxkamdeeyo,kol
kaa Nabadu wey xidhmi.
Sidaas Darteed, Ergada Nabada yey hadoodil & cid kastaa gar bey leedahay yuu noqon xaalku, oo sidii Garsoorka & Maxkamadaha oo kale aanay indhaha
ka qarsan dembigaa cida gashay, oo Gudoomiyaha Aadan X.Cali aanu suliux oo
kale arintu ku dhamaan.
Hadaba, Culmiey Ilaahay haydunku asturo, Laakiin Umadu waxay ka didey kolkey, Shaashada ka arkeen Maxamed Kaahin oo dagaal ooge ah oo ka bel-
aayada wada, Hubka hoos ka dira, wixii reeruhu ku heshiiyeen lifaaqa beena
raaciyey, intaa Dhiiga daata hoosta ka wada, uu noqdey inka daadihinaya
Shirka & Nabadeynta Ceel Afweyn.
Kolkaa Dhiig cabyada, Kaahin & Suldaamadii & askarkigii Saraakiisha laayey
ee abaal gud  Aroos ku helay, & Intii ka qayb qaadatey kuligood waa lawada
garanayaa, oo Buur-Madaw, Maxamuud Xaashi & Kaahin & Suldaamadii ka
mid yihiin, ee intaa Shirka dhexdiisa halagu Maxakamadeeyo, oo Reer Ceel
Afweyn Cadaalad ha helaan, Nabaduna sidaa wey ku xidhmi Insha alla.
Wabilaahi Tawfiiq.
Asha Jama

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker