Foolaad Maanso Cusub.“Cabdiraxmaan M. Cali Ubaxale”

 OOLAAD

“Cabdiraxmaan M. Cali Ubaxale”

 

Maansadani Waxay soo baxday Bisha Jan 2019, Badda ama xubbinta ay raacaysaa waa(laago laago) waxay ka xog iyo tibaax bixinaysaa dhawrsanida xarrago qaadashada iyo dhaqanka xariirta ah ee bulshadeena. iyadoo si gaar ahna u sifaynaysaa hufnaanta iyo hawlkarnimada  hablaheena  iyo waliba Garaadka iyo  Gobannimada Eebbe ku galladay. fahmada iyo fiiro dheerida lagu mannaystay, iyo guud ahaanba dabeecada iyo  dun wanaaga lagu majeerto.

Maansadu waxay kaloo  iftiiminaysaa waayaha nolosha sida hanka, hibada,hogaaminta iyo hal abuurka, Waxayna ku bilaabmaysaa sidan.

 

Sida foore galabeed

Fad la naawilaayiyo

Mahiigaan ku foorara

Hal fadhida hillaaddeed

Fadadkiyo  hillaacana

Dadku fiirsanaayoo

Dhirtu foodhinaysoo

Galawga iyo fiintuna

fajeceen gariirkii

ama   fiid gudgudohoo

Inta  maraqa laga furay

Rahu farax la yeedhoo

fadh fadhido xareeduna

Fatxi iyo ayaaneey

Farajbaad ku  dhalatoo

Waxad tahay fariidyahay

Foolaadkii dunidoo

Cidi kaama fiicnoo

Kuma  faaninnaayee

Waxa maragga kuu  furay

Eebbaha farshaxnee

Kaa dhawray foolxumo

Waad fiiro dheertahay

Ma ogolid faduushee

Dibjirkiyo falaagadu

Yay fulkaansi kaahelin

Sida Faras kadliyo orod

Waligaa ku foognoow

 

Falka suubban  ruux jecel

Fahmadana kucaan baxay

Dhaqankana  ku fara adag

Filsan waa gayaankeed

Annigaan  rag  foorjayn

Waxa  guur ka filankara

Nin u feejignaan kara

Nin faraha midayn kara

Nin go’aanka  fulin kara

Nin aqoon fidyoon kara

Nin farriin cad diri kara

Nin fogaan ka halacsada

Nin humaaga fili kara

Nin filkeeda sugi kara

Nin firsooca garankara

Naqna reer kufuri kara

Fahma baadisoocaha

Faylasuuf ku waa kaa

Hadaad tahay nin fiiro leh

Garta feeninkarayoo

Firfircooni miidhana

Malkadiyo  iyo fagaaraha

Gudbin kara farriimaha

Fanjalsiga necbaystoo

Nin fadhiida kicinkara

Sidii Faarax gobannimo

Allaylehe fa’ iyo wow

Faca gaadta waad tahay

Mar haddaad  farxaan tahay

Wajigiisu furanyahay

Farahiisu laabnayn

Cidi kaama faxalsana

Fanniyada culuumtiyo

Nin fasira kitaabkoo

Fidinaaya  diintoow

Waxad tahay faseexoo

Cidi kaama fiqisana

 

Fooddheerayaashiyo

Fiishluhu ma eegaan

Nin fadeexad doonoo

Faadhfaadha ceebtow

Fasaqdaye nasiibkaa

 

Waxa  fooladayn kara

Ama guur ka filan kara

Ninaan faashku karinoo

Fikirkiisu doorsamin

Isma gabo fariidkuye

Waxba yaanan faaqidin

 

Faraweey hal fadalcadi

Nabadduu u faydnaa

Finfinaaqu yaablehe

Nin ku dheelay foorari

Faa iido garan waa

Ha u bixin faryaadeey

Fartu waxay ku godantahay

Nin fadhiya halkii shalay

Foolxumo  ka raacdee

Faraxalo nin yidhiyoow

Dhan kalaa faruurmee

Ha fakarin adduunkani

Fidno socota weeyoo

Fasahaad kamuuqdee

maxaa taajir faro madhan

Nin faqiir ahaa shalay

Muxuu maanta fooroo

Barri  maal faraqayaa

 

Far haddaanad qori Karin

Farsamada dhankeedaba

Qof ku fiicanbaad tahay

Mar haddaad fashilantana

Faalig maaha kugu dhacay

Faraj Eebbe kuu  maqan

Hal-abuur  farshaxanoo

Run ku farayaraystoo

U fakara dadkiisoo

Falkin sare ku caaniyo

Xasanow Furgaxashada

Fool eriga muuqdiyo

Ila  garatay fiixlaha

Hadda foodhi baasloow

Fidday sheekadaasina

Murtidii fasiraysiyo

Garoo waa falaadhii

Fiiqa ay ku ganantahay

Cidwaliba filaysee

Ma faleebo socotaa

Ma fal iyo madiida

Farmasiga jacaylkiyo

Fayo dhawrka waydii

Faralkuna xalleefoow

Faanoole weeyoo

Igu foodhi ruuxaan

Aawadii u faydnaa

Waxaan  libbin ku faylamay

Intaan guul ku farajabay

Markii aan figta u baxay

Farxadaad ka maqantahay

Riyo illa fogaatiyo

Ma u qaatay foojari

Iyo faalso tuugo ah

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker