Maxaa caalamku uga baqayaa aaladaha ku shaqeeya “Garaadka Macmalka ah ee horumarsan”

Xoghayaha Arrimaha debedda ee Britian James Cleverly oo shirguddoomiyey kulanka golaha ammaanka, maadaama uu bishan July dalkiisu hayo xilka madaxtinimada meertada ah, ayaa sheegay in garaadka macmalka ah ee la horumariyey uu saamayn ballaadhan ku yeelanayo dhinac kasta oo nolosho aadamaha ah.

Wuxuu sheegay in si degdeg ah loogu baahan yahay in dib loo qaabeeyo maamulka guud ee farsamada casriga ah ee caalamka, sababtoo ah, garaadka macmalka ah ee horumarsani wuxuu noqonayaa mid aan xuduud lahayn, isaga oo saamayn ku yeelanaya, isbedelka cimilada, iyo koboca dhaqaalaha ee caalamka.

Wasiirka ayaa ka digay, in farsamadan casriga ahi ay shidaalka ku sii shubi doonto wararka been abuurka ah, taasoo laga yaabo inay iska hor-keento dalalka iyo weliba ururada aan dawliga ahayn.

15-ka xubnood ee golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay waxaa warbixin siiyey xoghayaha guud Antonio Guterres, Jack Clark oo wax ka asaasay shirkad cusub oo adeegsata garaadka macmalka ah ee horumarsan, iyo Prof. Zeng Yi oo kaaliye agaasime ka ah xarun cilmi-baadhis oo qaabilsan farsamadan casriga ah.

Xoghayaha Qaramada Midoobay ayaa sheegay in adeegsiga aaladaha ku shaqeeya garaadka macmalka ah ee la horumariyey, gaar ahaan hawlaha milateriga ama kuwa aan milaterigaba la xidhiidhin, inay horseedi karayan tallaabooyin halis ku ah ammaanka iyo xasiloonida caalamka.

Xoghayaha ayaa soo dhoweeyey baaqyo ka imanaya, qaar ka mida dalalka caalamka oo ku baaqaya in la yagleelo hay’ad cusub oo qaabilsan farsamada casriga ah.

Danjiraha Shiinaha ayaa Garaadka Macmalka ah ee la horumariyey ku tilmaamay inuu yahay seef laba af leh, oo yeelan karta wanaag iyo xumaanba, iyada oo ku xidhan, sida aadanuhu u isticmaalo ama loogu sameeyo shuruuc xakamaysa, ama sida la isugu dheeli-tiro sayniska iyo ammaanka.

” Sababaha looga cabsi qabo aaladaha ku shaqeeya garaadka macmalka ah ee la horumariyey ayay ka mid yihiin, in mishiinadu ay si iskood ah oo ka madax-banaan aadanaha u shaqayn karaan, iyaga oo amaro iyo tallaabooyin qaadi karaya, in si fudud loogu faafin karo wararka been abuurka ah, inay halis ku noqon karaan shaqooyinka, iwm.”

Dhinaca kale waxaa Washington ka dhacay kulan kale oo muhiima oo uu soo qaban-qaabiyey Ururka Sayniska Qaranka ee Maraykanku, kaas oo ay hadal ka jeedisay madaxa guddida isgadhsiinta ee Maraykanka, iyada oo lagu soo casumay khubaro kala duwan oo ka kala socda shirkadaha waaweyn ee isgaadhsiinta, mac-hadyada qaabilsan dhinaca daraasaadka, hay’adaha federaaliga ah ee Maraykanka iyo daneeyayaal kala duwan.

Kulankan ballaadhan ayaa lagu lafa-gurayey ama wax la iskaga weydiinayey fursadaha iyo dhibaatooyinka ay wataan farsamada casriga ah ee garaadka macmalka ah ee la horu-mariyey ama artificial intelligence.

Bilawgii shirkaba waxaa la isweydiiyey su’aalo ay ka mid yihiin, Farsamadan casriga ahi, halis badan ma ku keeni kartaa jiri-taanka aadanaha, taas oo u horseedi karta inay dabar-go’aan? Waa su’aal ay dad badani qariibsan karaan, inay tahay mid ay isweydiinayaan khubaro kala duwani, hase ahaatee waxaa cabsida heerkaas gaadhsiiyey mugdiga badan ee ku jira, horumarka ballaadhan ee ay samaynayso farsamada casriga ah, gaar ahaan, aaladaha ku shaqeeya garaadka macmalka ah ee horumarsan.

Guddoomiyaha Guddida Isgaadhsiinta ee Maraykanka Jessica Rosenworcel ayaa sheegtay inay wanaaga ay ka rajaynayso farsamadan casriga ahi, inay ka badan tahay halista ku gedaaman, gaar ahaan marka laga hadlayo, habka looga faa’iidaysanayo farsamadan casriga ah iyo saamaynta ay ku yeelan karto shaqooyinka ay aadanuhu qabtaan, maadaama ay soo baxayaan mishiino iyo aalado kale oo casri ah oo ku shaqaynaya garaad macmal ah oo aad u horumarsan. Sidoo kale waxaa Iyana aan meesha laga saari Karin, su’aalaha laga qabo, saamaynta ay ku yeelan karaan dimoqraadiyadda iyo doorashooyinka caalamka.

John Chappin oo ah la taliye sare oo ka tirsan mac-hadka sayniska qaranka ayaa sheegay “in haatan la gelayo, kacaankii ama fufkii, garaadka macmalka ah oo horumarsan” taasoo uu ku tilmaamay inay ka mid tahay, “is-bedelleda jiilalka ee farsamooyinka casriga ah” wuxuuna intaas raaciyey in loo baahan yahay in dib loo eego fikradaha aasaaska u ah nidaamyada isgaadhsiinta”.

Wuxuu sheegay in loo baahan yahay in la isu keeno oo ay dood ka yeeshaan, khubaro aqoon durugsan u leh farsamada casriga ah iyo khubaro kale oo fahamsan, waxyaabaha ay doonayaan macaamiishu iyo xeerarka lagu dhiqi karayo.

Nathan Simington oo ah xubin ka tirsan guddida isgaadhsiinta ee Maraykanka, ayaa farta ku fiiqay, inkasta oo farsamada casriga ahi ay marar badan ku timaado, hannaan la sii saadaalin karo, haddana wuxuu sheegay in haatan ay si lama filaana ay wax waliba u socdaan, isaga oo tusaale u soo qaatay, in hal habeen uun lagu war-helay soo ifbixitaanka ChatGPT oo ku shaqeeya garaadka macmalka ah oo horumarsan, kaas oo saamayn ballaadhan ku yeeshay hab nololeedka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker