Wasaaradda Maaliyadda Meel Musuqmaasuqu aanu Diiwaan iyo Dembi ahayn.. Magefe oo Weli Raadinaya Xilkii Saylac..

Qisooyinka musuqmaasuq ee qarniga ina soo maray waxaa ugu cuslaa kuwo ka dhacay Kastamka Galbeedka Saylac Xiligii ay Samsam Cabdi Aadam Wasiirka Maaliyadda ahayd.
Wuxuu Faysal/Cabdirisaq/Magefe hadba kaad u taqaan hayey xilalkan.
Isuduwe ah Maamulaha Kastamka Saylac, Ahna madax Checking ka Aasha Cado.
Ahna Gudoomiyaha Gobolka Selel, Ahna qadaraaslaha G/Selel, Ahna oo uu Hoosyimadaan
Ahna taliyaha Ciidamada Gobolka Selel ahna qaadiga Gobolka Selel, Gudoomiyaha Abaaraha, qaybiyaha Ambulance ka Goboka Selel.
Hal waa  yaab oo  xilalkaas dhan Masuuliyiin ayaa  ku qornaa hadan maqaar saar bay ahaayeen qofka diidana Waala bdeli jirey, Halna Waa yaabkiis oo Wasiirka ama Taliyaha Ciidanka booliisku qofka sharciga leh ee Magefe ka hor yimaada waabuu xidhi jirey xataa haday taliyayaal yihiin wuxuu gaadhey inuu candhuuf iyo feedh la dhaco badhasaabada.
Madaxweyne Siilaanyo bacaha wuu mamnuucay, haddana Magefe iyo Xertiisa oo aan ka xusuusto  Xuseen Xasan  Cabdi wuxuu ahaa madax arkiifiyada ee sameeya fufudeeye Cashuur-dhaafyada iyo tarnsitka sida gaarka Hantida Culus lunsanayo (Grand corruption assistance)  wuxuu ka sameeyey ilaa 400,000$ Maanta waa ganacsade ka mida dabaqada dhexe shalayna Fiiga jaamacada ayuu shaxaadi jirey wuxuu lee yahay labo Bangalo oo booli qarrana uu marba kooxda dabku u shidan yahay uu geeyo oo ku yaal agagaarka maansoor garoonka baxsane, ku darsoo hadda waaba ku xigeenka Agaasimaha maamulka Lacagta Haday raashin Berbera kasoo dega tahay iyo haday Baco Kootarabaan ah oo Jibuuti ka soo dega tahayba.
Waxay ahayd maalin Jimce ah markii 20 Baabuur oo baco ah La yidhi dalka ayay Taransit ku dhaafayaa ee Askar lasaaray laguna roga wajaale,
Waxaa kale oo jirey in Gaadiidka badda ka kaluumaysta laga qaadijirey lacag layiraahdo Lump sum  oo loola jeedo bakhtiyaa nasiib ama duduud Waxaa Markiiba korkiisa laga qaadan jirey 8000$ halka dowlada loo shubi jirey 6000$.  Waxaa jirey maraakiib Jiriif ah oo Tripkii laga qaadi jirey labaatan kun 20,000$. Cida waxaas soo hadal qadaa waxay ahyd 2 Sanno oo xadhiga.
Magefe.  Wuxuu dilaal ka ahaa Jinsiyada 2aad ee Dalka Jibuuti wuxuu Baasborka ku iibin jirey 3000-5000$ .
Marka laga shekeeyo dhinaca shaqaalaha wuxuu ahaa Araweello nin ah, wuxuu ku tacadiyi jirey shaqaalaha, si ay midiidin ugu noqdaan Falalka guracan iyo Boobka qofkii damiirlena Shaqada ayaa laga Cayrin jirey.  Shaqaale badan ayaa lagu eryey Makhaayada aan fadhiisto ha imanina  oo qaar ka mida ehelkood lahaa.
Wuxuu Si qaawan u caayi jirey Madaxweyne Ku xigeenka JSL oo Deegaankaas uu kasoo jeedo waxaasi ka dhacayeen.
Bal Eeg waa Magefe oo 5 Fooq uu xaraan ku dhistay kiraynaya
 Waa magefe oo Weliba Goobtii iyo xilkii raba oo Wasiir Agtaagan hor boodaya .
Xuseen oo gacan yare Wasiir u ah.  Kooxdii u musuqa badnay (White color  Crime)
iyo Mr. X and Y oo xafiiskii soo fadhiya. Iyana waa tabaalaha waqtiga taynu aragnaa
Miyaanay Wasarada Horumarinta Maaliyadu ahayn Goobta horumarinta musuqmaasuqa musuqa ee Beerta ilaa hadda?
Jawaabtu waxy u taal Dadweynaha.
Yaabka 3aad Waxaad arkaysaa Waxaas oo lagu amanayo… dad dhiiqadaa iyo qudhun kaa uraya ku jira oo dad nadiifa caayaya.
Tallo:-
Waa In Wasaaradda Maaliyadu samayso Diiwaanka musuqa iyo Shakhsiyaadkloo tuhmona la Baadho isla markaana si hoose ula socoto Kooxaha sifaha khaldan ku hodmay kadib xilalka laga xaraantimeeyo inta la helayo dowlad weydiisa hantida siday ku heleen.
Musuqu waa cadow ka xun cadowgaaga muuqda.
Waa in Wasarada maaliyadu hormuud u noqoto Baadhitaanadaas. oo xataa booliisku soo galo mararka qaarkood masuuliyiinta sarsare…
maanta intaa haynoo joogto
xamse mohamed

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker