Mareegtii SomalilandPress Oo Aheyd Marjac Inta Badan Beesha Caalamku Ka Qaadato Wararka Somaliland Oo Xidhmey iyo Sababta Loo Xidhey

Mareegihii Somalilandpress ee lagu Daabici jirey inta ugu badan Wararka ku Sahabsan Xaalaadka guud ee Somaliland Doorarkeeda Wararka Dhinaca Xidhiidhada Diblamaasiga ah,Xidhiidhka Dhaqaalaha ee Shirkadaha Caalamiga ah,iyo Dhacdooyinka Geedi Socodkeeda Siyaasadeed ayaa gabi ahaanba la Xidhey Mudo imika laga joogo Sadex Bilood.

Mareegahan Somalilandpress oo Sitoos ah ugu Xidhnaa Googleka Islamarkaana, ay Ku Xidhnaayeen Dad badan oo Ajaanibka Dunida ah hadey Siyaasiyiin yihiin, iyo haday yihiin Ururada International Communty,Dunlmaasiyiin Caalami ah iyo Qeybo kale oo Bulshada Rayidka ah ayaa indhawaale xidhnaa iyaddoo Mareegahani inta ugu badan ku Koobnaa Wararka Soomaliland oo kaliya oo aaney la Wadaagi jirin Dhacdooyinka iyo Wararka kale ee Soomaalida, Sidoo kalena ku Koobnaa Kuna Daabacnaa Luuqqada Ingiriisiga Marna Taageero kama helin Labadii Xukuumadood ee isaga Dambeeyay Talada dalka ee Kasoo jeeday Xisbiga Kulmiye, Marka laga taggo Arimo Dhaqaale iyo Wixii la Xidhiidha Waxa ay Mareegtani ka Weyday Dhiirigalintii uhaystey Wakhtigii Xukuumadii Udub ee Madaxweyne Rayaale Waana Arinta kaliya ee Loo Aaneynayo in Gabi ahaanba la Xidhey Mareegtaasi Somalilandpress.

Hadeynu Guud marno Arimaha uu Caanka ku ahaa Somalilandpress Majirin Warar lidi ku ah Dawllada Somaliland oo uu Baahin jirey haseyeeshee, Kaliya Waxa uu Ku Koobnaa Doorarka Somaliland ee Xidhiidhada Diblamaasiyadeed, ee Siyaasada Arimaha Dibadda, ololaha Ictiraaf Raadinta, Nabedgelyada iyo Xasiloonida kajirta iyo Waliba Istaraatijad iyo Qaniimada uu Leeyahey Dalkani.

Warbaahinta oo Isku Dayday in ay Wax ka Weydiiso Sababta Mareegtani u Xidhmey in ay la Xidhiidho Doorka Siyasaasada Arimaha Dibadda Somaliland oo Wakhtigani hoos u dhac Weyni ku yimid Mulkiilaha Shabakada Somalilandpress Maxamed Ibraahim Guuleed, Waxa uu uga gaabsadey Si Taxadir leh haseyeeshee, Waxa uu Xusey in aanu marnaba ka helin Dhiirgalintii iyo Xidhiidhkii Fiicnaa ee u Dhexeeyay Masuuliyiintii hore ee Xukuumadan ka horeeyay ee Diblamaasiyadda iyo Arimaha Dibadda ku Shaqada lahaa Sidaa daraadeedna mudadii ay hadda ay Xidhneyd hada uu Fariimo badan ka helay Dadkii ku Xidhnaa ee ajaanibka u badnaa Kuwaas oo Dunida kala jooga hadey China Tahey, hadey Dalalka Carbeed ee Dawllada Imaaraatka iyo Qadar kamid yihiin Hadey Dawllada Ingiriiska Tahey, iyo hadii ay Qaaradaha Afrika iyo Ameerikaba yihiin.

Waxa kale oo Maxamed Ibraahim Guuleed Si Kooban u Xusey in uu hadda usoo Wareegay Dalka Somaliland halkii uu Markii hore ka Deganaa Dalkaasi Mareykanka si uu ugu Qaato Qeybaha Dambe ee Noloshiisa, Waxaanu Si Kooban ugu Ururiyay in Waebaahintu Awood u Tahey Dawlladaha Waaweyn ee Aduunka haseyeeshee, aan Wali Somaliland Sidaa loo Fahansaneyn isagoo Tusaale usoo Qaatey Madaxweynaha Mareykanka Dawnald Thrump iyo Waxyaabaha uu had iyo Jeer ugu hal Celiyo Talafishanka Caanka ah ee CNN.

Xogaha Kale ee aanu ka Helno Mulkiilaha Somalilandpres Wararkayaga Dambe ayaanu Idiinku Soo Gudbin Doonaa.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker