Muuse Biixi Iyo Talada Dalka SHAXDA ISMAACIIL BUUBAA IYO MUUSE BIIXI (Qaybtii 48aad)By Maxamed Xoosh

Siyaasaddu Waa Hibo Intaanad Cilmi Ahaan U Baran “Akhris Iyo Dhagaysi Badan”
Hadii Ay Kuu Raacdo Inaad Waaqica Ku Fulisid Waxaad Noqonaysaa Siyaasi Xogagaal ah Oo Sooyaalka Wax Ku Yeesha

Ismaaciil Buubaa Iyo Muuse Biixiba Sifooyinkaa Wey Leeyihiin Se Waxay Kala Aaminsan Yihiin Laba Aydaloojiyadood “Fikir” Oo Aynu Qoraal Kale Ku Sheegi Doono

Markii Laga Soo Baxay Xanaftii Doorashooyinka Muuse Biixina Madaxweyne Noqday Talaabadii u Horeysay Ee Uu Qaaday Waxay Ahayd

Sidee Qaranimaddii Iyo Wadajirkii Loo Adkayn Karaa ?

Waxa Ka Go`nayd In Xuduudaha La Gaadho Ileen Dal Dawlad Ma Noqdo Ilaa Xadkiisa Adkeeyo Mooyee …

Sidoo Kale 70 KM IlaaTukaraq In La Tago Waxay Dawo U Ahayd MIDNIMADDA IYO WADAJIRKA Shacabka Somaliland
Runtii Waxay Ahayd Guul Xisbiyadda Iyo Dadweynaha Gude Iyo Dibadba Wey Garab Istaageen Madaxweynaha Iyo Ciidamadda Qaranka Ee Geesiyaasha Ah Inay Tahay Xaq In Ciidanku Tago Xuduudihiisa Barri.

Markay Halkaa Marayso

Ismaaciil Buubaa Oo Waxbadan Ka Fahamsan Qaabka Dawladuhu Shaqeeyaan
Iyo Saami Qaybsiga Xukuumadda Oo Wasiirada Ku Kooban
Wuxuu Ka Shaxay In Uu Farageliyo HA`YADIHII DAWLADDA Wuxuu Xusay In Dawladdu Ka Dhisantahay Hargeysa Shaqaaluhu Degaan U Badan Yahay Ciidamadda Iyo Laamaha Amnigu Cid U Badan Tahay Oo La Doonaayo In Dib Loo Xalaaleeyo Waxa Jira NINKA JABHADDA SAMAYTAYNA WAX DIIDAY ….Qarankii Isku Duubnaa Iyo Heshiiskii Dawladnimadda In Dib Loo Eego, Waxa Dheeraa In Barriga Fog Iyo Galbeed Fog Inay Dulman Yihiin u Sheegay

Ismaaciil Buubaa Wuxuu Qaaday Talaabo Xoojinaysa Mucaaridnimadda Iyo Qaybsanaanta Dalka Oo Dhan Isagoo u Jawaabaaya Talaabada Midnimada Muuse Biixi Ku Rabay

Xiligii Ololaha Ismaaciil Talaabooyin La Mid Kuwa Aynu Xusnay Ayuu Qaaday Isaga Ka Jawaabaaya Ololaha Kulmiye Xiligaa

Shaxda Laga Dheelaayo Daaha Dabadiisa Akhriskeedu Wey Adagtahay Qoraalkani Waa Aragtidayda Sax Iyo Khaladba Wey Noqon Kartaa

Maxamed Xoosh

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker