TACSI KA TIMID AGAASIMAHA GUUD EE BAANKA DHEXE AXMED XASAN CARWO EE MARXUUM KAYSE XUSEEN MAXAMED

Anigoo ku hadlaaya magaca Reer Cabdi Carwo iyo kan xaaskeyga Amaal Cumar Carte, Waxaan tacsi u dirayaa ehelka, ubadka, tafiirta Marxuum Kayse Xuseen Maxamed oo shalay, 14/12/2018 ku geeriyooday Hargeysa. Waxaan si gaar ah u tacsiyadeynayaa eedaday Caasha Roon Cabi Carwo, iyo ilmaabtiyaday ilma Mahdi Xuseen, iyo Reer Xuseen Maxamed Suldan.Waxaan Marxuumka Alle uga baryayaa inuu u dambi dhaaafo, qabriga u nuuro oo uu u waasiciyo, ehel iyo asxaabna waafajiyo samir iyo duco.

Marxuum Kayse, waxuu ahaa oday ka mid ah duqayda jecel nabadda, wada noolaashaha bulshada, nin caan ku ahaa isku xidhka beelaha Somaliland gaar ahaan kuwa Gobalka Maroodi Jeex degan.
INNAA LILAAH WA INAA ILEYHI RAAJACUUN.
cccccccc.gif
Ahmed Hassan Arwo

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker