Muuse Biixi Iyo Talada Dalka Macnaha Horaa Loo Soconayaa Iyo Dadka Ha La Isku Hayo (Qaybtii 47aad) Qore : Maxamed Xoosh

Horaa Loo Soconayaa Macnaha Ugu Dhaw Ee Lagu Fasiri Karaa Waa In Wixii
Jiray La Xoojinayaa Siiba Dhaqaalaha…..

Dadka Ha Isku Hayona Waa CADAALAD Ha La Helo Ninna Yaanu Wax Walba
Qaadan Dadka Badankiisuna Cidla Fadhiyin

Maxaa Jiray Awal Horta ?
Waxa Jiray Aragti Suuq Xor Ah Oo Odhanaysa Ninba Waa Halkii Laga Helo !!!
Waxay Dhalinaysaa “Ninba Waa Waayihii” Iyo In Dakhligii Ku Ururo
Shakhsiyaad Tiro Yar Iyo Inta Badan Wax La,aan Ku Dhacdo Hadhowna
Qarax Aan Waxba Reebin In Lagu Danbeeyo Iyo Mamoodayn Sidaa!!!

Xukuumada jirta Iyo Dawladda Somaliland Iyada Ogsoon In Somaliland Ay
Tahay Wadanka Ugu Tamar ama Laydh Qaalisan Dunidda, Dalalka Qaar
Inaynu Ka Qaalisanahay 50 Jeer Laab Hadana Wax Gacanta Ugu Jiraa Ma
Jiro Waa La Fasaxay Meeshan Waxaa Ku Dulman Muwaadinkii !!!

Dawladdu Hantidii Qaranka Ayay u
Dabo-fadhidaa Shirkado Ganacsada Waa Aragtida Odhanaysa In Suuqu Xor Ahaado…
Sidaa Awgeed Waa In Shirkaduhu Tartamaan Markay Halkaa Marays
Bal Aynu Eegno Aragtida Ugu Fog Midigta Xigta Neoliberalism Ka Ama
Loogu Yeedho Savage Capitalism “Rasimaaliyadda Bahalowday” Wax Walba
Oo Xumaan Ah La Sameeyo Waxaa Ka Xaasila Macaashka La Helaayo …..

Waxaa Se Cajiib Ah Nimankaa Naxariista Daran Ee Reer Galbeedka Ah
“Savage Capitalism” Ka Aaminsan Ugu Danbayta Hantidooda Oo Dhan Waxay
Ugu Deeqaan
Dadkooda Iyo Dalkooda Ku Darso Cashuur Iyo Sadaqada Si Quruxbadan Ayay
U Bixiyaan Dadka Wixiiba Lagu Celiyay !!!

Waxaan Ka Mid Ahay Dadka Aaminsan Suuqa Xorta Ah LAAKIIN Suuqa Xorta
Ah Inuu Dawladda Ka Adkaado Ma Ogoli
Madaxweynaha Muuse Biixi Horaa Loo Soconayaa Oo Wixii Hore Sidii Ha
Ahaadaan Kolay Ma Noqonayso Muwaadiniin Badan Ayay Xaq Badan Ka Maqan
Yihiin Ama Degaamo Fog Fog Oo Dawladnimaddu Weli Saani U Gaadhin Ilaa
Maanta Madaxweyne Dadka Ha La Isku Hayo

Dadka Caamada ahina Ma Fahamsana Inta Garanaysaana Waa La Shuraako
Horaa Loo Soconayaa

Maxamed Xoosh

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker