Raiisal Wasaaraha dalka Itoobiya oo maxaabiis badan Itoobiyaan ka sii daayay Sacuudiga

Ra’isal wasaaraha dalka Itoobiya Abiye Axmed ayaa booqasho labo cisho ah oo uu ku tagay Sucuudiga waxaa ugu suuragashay in xabsiyada dalka Sacuudiga uu ka sii daayo 1,000 Qof oo Itoobiyaan ah.

Isaga oo ka hadlaayay Garoonka diyaaradaha Addis Ababa ayuu Abiye Axmed sheegay in Diyaaradda ay la saaran yihiin 690 Qof oo ka mid ahaa Maxaabiista u dhalatay Itoobiya oo ku xirnaa xabsiyada Sucuudiga.

Waxaa uu sheegay in booqashadiisa Boqortooyada Sucuudiga ay ku dhamaatay guul islamarkaana uu ku faraxsan yahay sida wanaagsan ee ay dowladda Sucuudiga uga jawaabtay codsigiisa.

 

 

Waxaa uu Abiye Axmed sheegay in uu la kulmay dhaxal sugaha Sucuudiga Maxamed Bin Salmaan islamarkaana uu heshiis la gaaray kaas oo qeexaya sii deynta muwaaddiniinta Itoobiyaanka ah ee ku jira Xabsiyada Sacuudiga.

 

 

Dadka la filaayo in dhawaan la siidaayo waxaa ka mid ah Maalqabeenka heysta dhalashada Sucuudiga iyo Itoobiya ee lagu magacaabo Maxamed Xuseen Al Camuudi.

 

 

Al Camuudi, waxaa uu gudaha Itoobiya ku leeyahay Ganacsiyo waaweyn,waxaana u shaqeeya shaqaale ka badan 70,000 oo Qof.

 

 

Ra’isalwasaare Abiye ayaa sheegay in uu kalsooni weyn ku qabo in sida ugu dhaqsiyaha badan uu xorriyaddiisa ku helo maalqabeenka iyo qaar ka mid ah maxaabiista kale ee wali ku jira xabsiyada Sucuudiga.

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker