TAHNIYAD KU SOCOTA GUDIDA BEELAHA GARXAJIS ….

Garhajis.png

Ummada Muslimka Ah Ummada Afrikada Madow U Dhalatay Ummada Somaliyeed gaar ahaan inta ku nool Somaliland waxay tahniyad mug iyo misaan leh hawda u marinayaan Gudida beelaha Garxajis Doorka shariifka ah ee ay ka qateen nabadeynta beelaha walaalaha ah ee Koonfurta Sool Iyakoo hiil iyo hooba la garab istaagay walaalahodaa shaydaanku ka  dhex adeegay …. Sidoo kaloo Ummada Muslimka Ah ee damiirka iyo dadnimada lihi waxay hambalyo taa la mida u dirayaan duubabkii , suldaanadii , boqoradii iyo Ismadii Somaliyeed ee kasoo hadaafay min Jubaland ilaa Mudug ilaa  Qabri Dahar iyo Dhamaan arliga Somalidu degto iyakoo u yimi inay coladaa damiyaan ..

Waxa Iyakuna  mahad iyo sharaf aan lasoo koobi Karin Umamada Somaliyeed dul dhigtay labada madaxweyne ee ku hagoogtay  xidhida nabadaa Jaalle Mustafe Muxumed Cagjar iyo Jaalle Maxamed Cabdilaahi Farmaajo حفظهما الله ورعاهم ….

Wa xusid mudan in Qolada Idoor ee Beelaha Garaxjis ay abaal  Walaaltinimo oo islaamnimo huwanaa ay dib u celiyeen sidii gob caadada u ahayd oo maalintii shaydeen ka dhex adeegay beelaha Garxajis ee beelweynta Ciidgale iyo Beelweynta Sugule Caynaashe isku murgeen  ragii cumaamada tuuray ee ku hagoogtay dhiiga Muslimka ee daadnayey ee hiil iyo hooba la garab istaagay beelahaa Walaalaha ah ee diriray beelweynta Dulbahante ayey ahayeen nabad dhaxal gal ahna way dhex dhigeen ولله الحمد

Waar Ducada Amiin Dhaha

اللهم احقن دماء المسلمين

اللهم وحد صفوف المسلمين

اللهم أطفئ نيران الفتنة في بلادنا

اللهم من أراد بالإسلام خيرا فخذ بيده

ومن أراد بالإسلام شرا فخذه أخذ عزيز مقتدر

… اللهم انصرنا على من عادانا

اللهم لم شملنا

اللهم ألف بين قلوبنا

اللهم ردنا إلى دينك مردا جميلا

اللهم ارجعنا اخوانا متحابين فيك

اللهم فض الفتن في جميع بلاد الإسلام

اللهم امين

Ahmed Jigga

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker