FARMAAJO oo Somalia u Horseedaya Dariiqii Halista Cagaaran

FARMAAJO oo Somalia u Horseedaya Dariiqii Halista Cagaaran Waxaa Hubaal ah in Madaxweyne Farmaajo u muuqdo nin ku haftay Siyaasadii Hogaamineed ee uu Madaxda ka ahaa, isla markaana u muuqda nin aan u Madaxbanaaneyn Talada Dalka uu Madaxweynaha ka yahay. Marka laga eego Daalaa dhaca ku yimid Siyaasada Arrinaha Gudaha, iyo Dibada ee Somalia . Madaxweyne, Farmaajo ficiladiisa Hogaamineed waxaa ka muuqata Aqoon Daro Siyaasadeed, Waayo-Arag la’aan iyo Kali-Talisnimo. U Horseedi karta Dalkaasi Burbur iyo Hadimo fool xun. Somalia waxay Maanta u baahan tahay in la Badbaadiyo inta aan meel dheer laga Doonin, waxaana Badbaado ugu dhow Mooshinka ay FARMAAJO ka keeneen Golaha Shacabku. Waxaase Ayaan Darro labaad iyo Laf-Jab ku noqon karta Shacabka Reer Somalia ee dhibaatadu Dul Hoganeyso, Haddii Mooshinka Golaha Shacabku keenay uu isu Baldalo Mooshin Hunguriyeed sidii Caadada u ahaan jirtay Xubnaha Golaha Shacabka ee Somalia. Waxaana la gudboon Golahan in ay Shacabkooda u muujiyaan Daacadnimo oo Dalka ka badbaadiyaan Halista soo food saartay. Mr . Ali Mahamed Waranade

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker