Bruno Fernandes oo Ku Farxay Kabtannida Kooxda Man United

Bruno Fernandes ayaa qosol La dhacay markii uu tababare Ole Gunnar Solskjaer sida lama filaanka ah Warbaahinta horteeda uga sheegay in kabtanka Manchester United ee kulanka PSG ee caawa uu yahay xiddiga reer Portugal ee Fernandes oo waqtigaas garabkiisa fadhiyey.

 

 

 

Red Devils ayaa ku sugan magaalada Paris oo ay caawa kula soo ciyaari doonaan PSG kulan ka dhici doona Parc des Prince oo ciyaartii ugu dambaysay guul 3-1 ah kala soo laabteen, laakiin waxa  ciyaartan ka maqan shan laacib oo Manchester United ka tirsan.

 

 

Harry Maguire oo ah kabtanka kooxda  ayaa dhaawacyada kula biiray Mason Greenwood iyo Eric Bailly oo beddelkiisa noqon lahaa, waxaana liiskan maqaneyaasha kula jira Edinson Cavani oo kooxdiisii hore ka hor tegi lahaa iyo Jesse Lingard.

Ole Gunnar Solskjaer oo shir jaraa’id ku qabanayay ZOOM-ka ayay wariyeyaashu weydiiyeen mar haddii uu Harry Maguire dhaawac yahay,

 

kabtanka kooxdiisa Manchester  United hoggaamin doona ciyaartan, waxaana uu macallinka reer Norway si lama filaan ah u yidhi: “Kabtanku waakan agtayda fadhiya. Bruno ayaa kabtanka noqon doona berri.”

 

 

Bruno Fernandes ayaa dareenkiisu isbeddelladay isla markiiba, waxaanu u muuqday sidii mid aanay hore iskula sii ogayn amaba xishood ka muujinaya xilka loo magacaabay,
Waxaannu la muunsooday qosol dhoola caddayn ah, ka hor intii aanu shaacin in aanu filayn in xilkan loo dhiigo.
“Anigu tan maan filayn. Waxaan ogaaday isla waqtigan aad idinku ogaateen,
balse sharaf ayay ii tahay iyo guul muhiim ah oo aan gaadhay. Laakiin kabtanku waa qof walba, ciyaartoy kasta wuxuu u baahan yahay inuu caawiyo oo uu hoggaamiye u noqdo

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker