Dawladda Itoobiya Oo Xidhay Dad Looga Shakiyay Weerar Lagu Qaaday Saldhig Boolis

Booliska gobolka Oromada ee dalka Itoobiya ayaa xabsiga u taxaabay dad looga shakiyay weerar lagu qaaday saldhig boolis oo ay ku dhaawacmeen 9 qof kaddib markii waxyaabo looga shakiyay inay yihiin bambo gacmeed lagu tuuray halkaas.

Weerarka ayaa xalay ka dhacay gobolka Oromada xilli shacabka ay u dabaaldegayeen munaasabadda sannadka cusub.

“Weerarka waxaa lala beegsaday xarun ciidammada ka hortagga rabshadaha ay ku leeyihiin degmada Buraya” ayaa lagu yidhi bayaan kasoo baxay xafiiska isgaarsiinta ee maamulka.

Booliska Itoobiya ayaa   xaqiijiyay in tiro dad ah la xidhxidhay  inkasta oo aysan sheegin tirada rasmiga ah.

Telefishinka dowladda waxaa uu baahiyay in tirada dadka loo qabqabtay weerarka ay gaari karaan 22 qof.

Ma jirto cid sheegatay weerarka ka dhacay gobolka Oromada.

.

.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker