Qofka Hayo Tikidka Abaal Marinta Bakhtiyaa Nasiibka 76 Milyan Oo Gini Oo La Baadi Goobayo.
Ninka haya tikidka bakhtiyaa nasiibka lacageed ee dhan £76 milyan oo Gini ayaa looga baaqay inuu degdeg uu u yimaaddo abaalmarinta bakhti nasiibka uu heleyna uu ka guddoomo wakaaladda bakhtiyaa nasiibka qaranka ee dalka Britain.
Isku duwayaasha bakhtiyaa nasiibkan ayaa waxay sheegeen iney tikidka bakhti nasiibka malaayiinta uu u soo baxay lagu iibiyey Boston ama Skegness midkood.
Bakhti nasiibkan tikidka lagu muteysanaya oo soo baxay 2-da bisha November abaal marintiisu waxay gaadheysaa £76,369,806.
Ciddi bakhti nasiibkaasi uu u soo baxay oo tikidka abaal marinta lagu helayo gacanta ku hayso haddii ay iman weydo ilaa 1-da Bisha May bakhti nasiibkan wuxuu noqonayaa kii ugu badnaa ee soo baxay balse cidda ku guuleysatay ay soo dalbanin.
Afhayeen u hadlay wakaaladda bakhti nasiibka qaranka ee dalka Britain ayaa wuxuu sheegay “bakhti nasiibkan inuu yahay kii ugu weynaa ee aan la soo dalbanin, taa ayaana xiisa gaar ah u yeeleysa.”
Bakhti nasiib kan la mid ah oo 2012-kii soo baxay oo aan la soo dalbanin ayaa wuxuu qiimihiisu ahaa £64 milyan oo Gini.
Haddii ay cid soo dalban weydo bakhti nasiibkan wixi ka horreeya 1-da May lacagta bakhti nasiibka iyo lacagta dulsaarkaba waxaa lagu wareejinayaa mashruuca sanduuqa bakhti nasiibka ee dalka Baritain.
Lambarka bakhtiyaa nasiibkan ku guuleystay ee la la’yahay ayaa wuxuu yahay 5,15,17, 37, 44 lambarrada nasiibka gaarka ah ee tikidkana waa 7 iyo 11.
Andy Carter oo ka socda wakaaladda Bakhtiyaa nasiibka Britain ayaa wuxuu sheegay “iney diyaar u yihiin iney raadiyaan cidda bakhti nasiibkan aad u weyn nasiibka u yeelatay kaddibna ay ku wareejiyaan lacagta uu ku guuleystay sida ay u dhan tahay”.