maansadii badbaadiya
Maanso . badbaadiya
Keene iyo kordhiye
Keene . waaryaa kordhiye saaxiib doorashadii waxa ka hadhay
Siddeed cisho maxaad dadka reer S /LAAN odhan lahayd
Kordhiye . saaxiib waxaa n odhan lahaa waar xisbigan CIRKII iyo
Dhulkii iyo BADDII intaba iibsaday ka badbaadiya intaanu
DADKANA . ku darin
Maansada BADBAADIYA .
badbaadiya dalkaa baahan iyo
qarankan baastoobay
badbaadiya bulshadan khayr qabtee
bahalku hiigaayo
badbaadiya dhalintaa baxdee
baab ufuran weyday
badbaadiya bitrool kiyo waxaa
buuro dahab jiifa
badbaadiya intii baaqiyaan
boobka lagu qaadan
badbaadiya badweyntaa la dhacay
biic sadeen carabtu
.
Badbaadiya bartii gacan libaax
Beydka raaxada ah.
Badbaadiya hadday baayacaan
Meel kastoo bilane
Badbaadiya fartiinaa bedeli
Beladan shaydaane
Badbaadiya fartiinaa bedeli
Boqolkan tuugoode.
Badbaadiya fartiinaa bedeli
Baanan-kaa xidhane
Badbaadiya fartiinaa bedeli
Booli gurad kaase.
.
Badbaadiya fartiinaa bedeli
Baaq qabiil sida,e
Badbaadiya fartiinaa bedeli
Boodh kan iyo qiiqe
Badbaadiya fartiinaa bedeli
Tii busaarada-he
Badbaadiya bilaash yaanu noqon
Geesigii baxaye
Badbaadiya siday beeri ahayd
Yay usii badane
Badbaadiya bikhbay faqash ahayd
Baas kalaa yimiye
.
Badbaadiya intaan soodhka ba,an
La isla baal yaacin
Badbaadiya inay baan helaan
Naafo laga baydhay
Badbaadiya inuu muran baxooy
Falato beer teeda
Badbaadiya intaa buul ku dedan
Booqanayn cidina
Badbaadiya bakhaar iyo intaa
Bino la jeexaayo
Badbaadiya inaanay burburin
Oo bannaan noqonin
Badbaadiya bileyskaa dulmane
Baquhu saameeyay
Badbaadiya intaa bacadka wadhan
BADI AGOOMAA YA
GUULEED LIIBAAN SNM1710@LIVECOM
LA BADBAADIYE WAA LABOOBAO