Hoggaamiyaha Ertiea Afwerk oo galay booskii Ismaaciil Cumar geelle.
Wax lagu sheegay Isbedelka geeska Africa ee uu hoggaaminayo Abyi Axmed oo ah Hoggaamiyaha kacaanka Oromada ee dalka Ethiopia ayaa Noqday riwaayad Aan wali la Fahmin, Ethiopia oo ahayd dalka ugu Saamaynta badan geeska Africa dhinaca Siyaasada iyo Xooga Militeri ee ay leedahay ayaa Mar qudhaa Isu beddeshay Dowlad Jilicsan oo qoomiyado u Kala daadsan, Waxayna la heshiisay Jaarkeeda ay dhiiga waddaagaan ee Eritrea oo Muddo Cadaawadi ka dhaxaysay, heshiiska Ethiopia iyo Eritrea Wuxuu Meesha ka Saaray Doorkii uu lucbada geeska Africa ka Ciyaari Jiray Madaxweyne geellaha Jabuuti oo ahaa Jilaaga ugu Wayn ee geeska Africa.
Jabuuti ayaa u Muuqata Mid Sii gelaysa Edegii ama qoobadii laga Soo Saaray Eritrea Marka la Eeggo Sida ayna uga dhex Muuqan Ciyaarta ka socota geeska Africa, lkn Jabuuti Waxay leedahay kaabayaal dhaqaale oo qasab ka dhigaysa In Sanadaha dhow Ethiopia ku Sii tiirsanaato, Sida Dekedaha Casriga ah iyo Jidadka Waa Wayn ee Isku Xidha Ethiopia iyo Jabuuti.
Madaxweynaha Xukuumadda Jilicsan ee Somalia ayaa Isna u Muuqda Mid Iska gurdan raaca oo Aan Xitaa dadka u Macnayn Faaii’dada Somalia ugu Jirt Shirarka Shakiga dhaliyay ee uu la Yeeshay Ethiopia iyo Eritrea, Iyadoo Somalia tahay dal fashilmay oo Aan lahayn dowlad adag oo wax ku Ool ah.
Xidhiidhka Somaliland iyo Ethiopia
Somaliland iyo Ethiopia Waxaa ka dhaxeeyay Masaaliix Kala duwan oo Isugu Jira dhinaca gaashaandhiga, Amaanka iyo ganacsiga, Inkastoo uuna Isu dheeli tirnayn oo Faaii’do badan ay ku qabto Ethiopia Sida Qaadka iyo Qudaarta oo Ethiopia ka hesho Sanadkii $700 million oo dollar, haddana Xidhiidhka Somaliland iyo Ethiopia Wuxuu ahaa Mid adag (27) Sanno ee u danbeeyay wanna dalkii ugu horreeyay ee aqbala passport Somaliland Walina Si toos ah laaggu tago.
lkn Intii uu Ethiopia ka Curtay Is beddelka Cusub Waxaan Cadayn In Wax iska bedeleen Xidhiidhkii ka dhexeeyay Hargaysa iyo Adiis, Inkastoo Ethiopia boqolaal Arday Deeq waxbarasho oo Isugu Jirta rayid iyo Militeri Siisay Somaliland Maalmihii Ina dhaafay haddana Wax Cad In uuna diiranayn Xidhiidhka Somaliland iyo Abyi Axmed, haddaba haddii Ethiopia hoos u dhigto Xidhiidhkii ka dhexeeyay Somaliland, Waxaa Qaranka Somaliland u Furan In uu qaado talaabooyin dhawr ah oo dhabarka ka Jebinkara dhaqaalaha Ethiopia gaar ahaan Oromada, Somaliland Waxay Cashuur dheeraad ah Saari kartaa Qaadka iyo Qudaarta Ethiopia ka yimaada oo ah lafdhabarta dhaqaalaha Ethiopia gaar ahaan qoomiyada Oromada, Sidoo kale Somaliland Waxay Ciyaari kartaa Saamaynteeda ammniga, Somaliland Inkastoo Aan Sibuuxda loo aqoonsan Haddana Waa dal, ku Yaalla bogcad Muhiim ah oo Aan la quudhsankarin.
W/Q: Cabdixaafid Axmed Hurre