Maxaabiis boqol ka badan oo cafis loo fidiyey lagusii daayey Muqdisho

Isda uu qoray Telefishanka dawladda ee Soomaaliya, 127 maxbuus oo ku xirnaa Xabsiga dhexe ee Xamar iyo Xabsiga MBC ee Ex-control Afgooye, ayaa saaka lasii daayay ka dib markii uu cafis u fadiyey Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud Munaasabadda Ciidda Awgeed.

“Xafiiska Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka oo gudanaya waajibaadkiisa Dastuuriga ah ayaa soo jeedin u sameeyay Madaxweynaha JFS in cafis madaxweyne lagu sii daayo maxabiista ku xukuman dambiyada fudud ee ku xirnaa xabsiga Dhaxe ee Xamar iyo Xabsiga MBC ee KM7.” ayaa lagu yiri qoraalka lasoo dhigay bogga uu barta Facebook ku leeyahay telefishanka qaranka Soomaaliya.

xabsiyada Soomaaliya ee kala duwan ayaa inta abadan lagasii daayaa maxaabiis, xilliyada munaasabadaha ciidda ka dib marka ay cafis u fidiyaan masuuliyiintu.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker