Waa Maxay Sababta ay Somalia uga Noqotay Taageeradii Masar , Una Barbar Istaagtay Ethiopia ?Prof. Afyare

Garoowe (OWN) – Wasiirka arrimaha Debadda ee Xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Ciise Cawad ayaa shalay sheegay inay Soomaaliya dhex-dhexaad ka tahay khilaafka xoogan ee u dhexeeya Wadamada Ethiopia iyo Masar .

 

“Khilaafka u dhaxeeya Masar iyo Itoobiya ee Wabiga Nile Soomaaliya waxay ka Taagan tahay dhex dhexaad, haddii loo baahdo Soomaaliya waxay ka gacan geysaneysaa xalka khilaafkaas loo heli lahaa, iyo isu soo dhowaanshaha, kaalinteeda waxa weeye dhex dhexaadnimo iyo suurta gelin in khilaafkaas soo afjarmo,” ayuu yiri Axmed Ciise Cawad.

 

 

Hadalka Cawad ayaa yimid kadib markii Jaamacadda Carabta, oo ay ku mideysan yihiin dalalka Carbeed ay dhawaan soo saartay Qaraar ay ku cambaareyneyso Dowladda Itoobiya oo ku gacan Saydhay dhexdhexaadinta uu Mareykanku ku Baaqay in Lagu dhex Galo Wadamadaasi.

Muranka oo Salka k Haya biyo Xidheenka ay Ethiopia ka sameyneyso qeyb ka mid ah Wabiga Nile.

Professor Afyare Cabdi Cilmi oo Culuunta amniga ka dhiga Jaamacadda Qatar, ayaa BBC-da u sheegay in  Taageeradii  ay Masar ka heli jirtay gobolka Geeska Afrika uu sidii hore iska baddaley.

“Marka si guud loo qiimeeyo Arrinta waxaa soo baxeysa natiijo ah in uu isbaddalay wajiga uu lahaan jiray, murankii mudadada dheer u dhaxeeyay Masar iyo Itoobiya. Hadda waxaa muuqata in ay isbaddaleen mowqifyada dalalkii ay Masar maalgashiga ku sameysan jirtay ama Taageerada ka kasban jirtay ee gobolka, gaar ahaan dalalka muslimiinta ah ee Soomaaliya, Jabuuti iyo Suudaan.

 

 

Sababtu ha noqoto noocey doonto, laakiin waxaad mooddaa in Masar hadda lagaga adkaanayo Geeska Afrika,” ayuu yidhi Afyare.

 

Mar uu sharraxaad ka bixinayay waxa uu ka dhigan yahay hadalka Soomaaliya ayuu yidhi “Xogta dhabta ah ee la Xidhiidha Sababta ay dowladda Soomaaliya u baddashay go’aankeedii hore ee ay ku garab taagnaan jirtay Masar iyo waxa ay dalkaas ku qoonsatay, ama ay Itoobiya kaga baddalaneyso go’aanka noocaas ah,

 

Waxaa la weydiinayaa madaxda dowladda. Laakiin marka si guud loo indha-indheeyo waxaa ii muuqda in Masar ay dabacday oo ay lumisay saameyntii ay ku lahayd gobolka iyo dalalka ku teedsan badda Cas, caalamka Islaamka oo ay markii hore Sacuudiga kula tartami jirtayna waxaa uga awood roonaaday dalal kale”.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker