Muuse Biixi Iyo Talada Dalka Ku Adeegsiga Awoodaha Dawladnimo (Qaybtii 36) By: Maxamed Xoosh

Waxa Badanaa Muwaadinka U Muuqda Musuqa Ishu Qaban Karto Sida Dhul Dawladi Leedahay Oo Ganacsade Ku Iibsaday Lacag Yar Ama Kaalin Shidaal Oo Dawladu Leedahay Oo Dad Gaar Ahi Ku Ganacsadaan Ama Ganacsade Cashuur Dhaaf Loo Sameeyay Oo Intuba Wareegtooyin Madaxweyne Ku Soo Baxaan, Waxa Jira Awoodo “POWER” Si Qarsoon Oo Lagu Adeegsan Karo Iyadoon Miisaaniyadaha Dawlada Gelin

Tusaale Musuqa Maaliyadeed Sida Lacag Looga Dhaliyo Awoodaha

1-Qandaraas Shirkado Caalamiyi U Tartami Lahaayeen Oo Hal Shirkad Si Gaar Ah Loogu Eexdo “Maalgashi Shisheeye” Shirkadaasi Waxay Bixisaa Lacag Dheeraad Ah Oo Ku Jirin Xaqal Qalinku Iyo Waxa Ku Dhacaaya Miisaaniyadda Dalka !!!

2-Shirkad Ganacsi Oo Weyn Oo Ku Waajibtay Inay Bixiso 35% Cashuur ah, Waxaanay Bixisaa 7.5% Damaca Shirkadaasi Waa In Aan Kor Loo Qaadin Cashuurtaa Sidaa Awgeed Waxay Bixisaa Lacag Gaar Ah Oo Loo Geeyo Cida Awoodaha Gacanta Ku Haysa

3-Liisan Ogalaanshe Oo Hore Loogu Diiday Shakhsi Oo Saxeex Keliya  Ay Ka Xigto,  Ganacsadahaasi Wuxu Ku Bixinayaa Lacago Aan Gelin Miisaaniyadda

4-Lacago Lasoo Geliyo Ganacsi Aad U Jaban Oo Hore U Iibsama Si Loo Helo Dollar Dibada Loo Saaro Waa Lacag La Maydhaayo “Money Laundry” Ganacsaduha Iyo Dawlada, Shicibka iyo Weliba Madaxdu Wey Ka Faa,iidaan Intuba …. Waa Lacago Xaaraan ah

5- Waxa Jira Ganacsi Laga Dhoofiyo Dalka Oo Khasaare ah Hadana La Wado, Waxa Lagu Qarinayaa Ganacsi Makaasib Xoog Leh Lagu Qabo Waxay Bixisaa Shirkadaasi Lacago Gaar ah

Adeegsiga Awoodaha Dawladnimo Kuma Koobna Waxay Ishu Qaban Karto Ee Dadku Ka Mudaaharaadaan Waxa Se Ka Awood Badan Ka Qarsoon Ama Toos Aan U Socon Waxan Oo Dhami Waxay Kala Socod Siiyaan Ololaha Siyaasadeed Ee Xisbiyada Ka Dhaxeeya, Dhabarkana Waxay Ku Hayaan REERO Diyaar U Ah Kacdoon Joogta Ah

Madaxweynaha HADII uu Sixi Karo In Miisaaniyada Dalka Ku Soo Xareeyo Lacagahaa Hadii Kale Denbi Kuma Laha

Maxamed Xoosh

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker