Madaxweyne Muuse Yaanu dhagaha ka fureysay baaqyada ka soo jeedhaya Xisbiga Wadani,oo xaalka haka dhigin

Tan iyo intii ay dhamaatay doorashadii madaxtooyadda Somaliland 2017. Waxaa Xisbiga Wadani uu si buuxda u soo bandhigay inuu kalsoonidii uu kala noqday Gudiga Doorashooyinka Somaliland. Xisbigu kal sooni kala noqoshadaasi wuxuu ku sababeynaayey qaabkii iyo hanaankii ay Gudiga wax ku maamulaayeen oo aheyd mid qaldan oo aanay dhex u aheyn xisbiyadii tartamaayey, sidaas awgeedna aan mar dambe lagu kalsoonaan karin  inay gudigani ay sii shaqeeyaan waa dooda Xisbiga Wadani  ay qabaan ,waxan la soconaa in ay doorashada  Golaha wakiiladdu iyo tan deegaanka ay ka hadhsan yihiin in  7 bilood oo kaliya.

Haddaba Waxaan soo jeedin lahaa in Maxdaxeynaha Muuse Bixi  uu sida ugu dhaqsaha badan uu la kulmo  Masuuliyiinta Wadani  si uu dhageysto wadooda isla markaana loo soo afjaro tabashooyinka  uu xisbigu qabo lana saxo ama aan qala daad dambe aanu u dhicin,waxaa kale wanaagsan in qaabka loo soo xulo gudigana wax laga bedelo oo 6 xubnood ay ka yimaadan asxaabta 1 guurtida ah 1 xubin sharafeeda oo uu madaxweynuhu soo xulo.
Mudane madaxeyne haddii aan dhagaha ka fureysatid doodaha xisbiga wadani dhibaatada halkaas ka timaada adiga ayaa masuuliyadeda qaadi ,iminka waxaad  tahay madaxweyne u dhaxeeya ummada  oo aad garta dhageysataa  sida saxna aad u qaadaa,doorashadani aad qabaneysaa waa tii kugu horeysay  waana tijaabo siday u dhacdo ayaa lagu qiimeyn doonaa xaga nabadgelyada iwm.
Ahmed Ismail
ahmedbudul@hotmail,com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker