SIR Fashilantay: Higsigeena Guud Iyo Han Yarida Madaxweynuhu,Waaba Laba Kala Haab Ah.
Xogahan Cusub Oo Laga Soo Xigtay Xubno Miisaan Leh Oo Ka Tirsan Golayaasha Xeer Dejinta,Isla Markaana Ay Si Aad Ah Isugu Dhow Yihiin Madaxweynaha Waxay Daboolka Ka Qaadeen,In Dhowr Tallaabo Oo Xukuumada Muuse Biixi Qaadday Horraantii Xil Qabashada,Uu Ahaa Qorshe Cad Iyo Yool Hoggaanka Xisbigaasi Siiba Madaxweynaha Iyo Saaxiibkiisa M. Kaahin U Qorshaysnaa Oo Uu Ku Talo Galay Inay Qayb Ka Noqdaan,Hawlagalada Ay Fulinayaan Bilaha Ugu Horreeya Sanadka Cusub Ee 2018.
Talaabooyinkaasi Uu Meel Marintooda Madaxweynuhu Ku Taamayay Bilihii Ugu Horreeyayna Fulay Waxa Ka Mid Ahaa.
1-Isbedel Gun Iyo Baar Ah Oo Lagu Sameeyo Madaxda Waaxaha Iyo Qaybaha Wasaaradaha:
Maaliyadda
Caafimaadka.
Duulista Iyo Hawada
Iyo Warfaafinta.
Hadaba In Xukuumad Cusubi Isbedel Ku Samayso Nidaamka Maamul Ma Aha Wax Lala Yaabo Waana Wax Caadi Ah,Oo Ujeedadu Tahay In Wax Lagu Hagaajiyo,Hase Yeeshee Waxa Bulshada Intii Maqashay Liqi Kari Wayday,In Amarkaasi Madaxweynaha Uu Si Gaar Ah Hoosta Uga Xariiqayay In Shakhsiyaad Shaqaale Ka Ahย Saddex Ka Mid Ah Wasaaradahaasi Bannaanka Laga Dhigo Shaqada Ay Ka Hayaan Hayโadahaasi Sida:
Duulista Hawada=60 Xubnood
Maaliyada=21xubnood
Warfaafinta 9 Xubnood Masuuliyiin Ah Iyo 3 Shaqaale Ah.
Masuuliyiintii Madaxweynuhu U Igmaday Maamulka Hayโadahaasi Aynu Soo Sheegnay Waxay Wakhti Yar Uun Kadib Kolkii Ay Maamulkii Hayโadahaasi La Wareegeen Isla Markaasina Qaateen Waqti Ay Shaqaalaha Ku Kala Bartaan,Waxay Si Toos Ah U Guda Galeen Fulinta Awaamiirtii Hoggaanku Faray,Balse Si Aanu Bartilmaameed Koogu Ugu Muuqan Mid Qayaxan, Si Xeelad Farsamo Ku Ladhan Tahay Waxay Shakhsiyaadkii Yoolkoogu Ahaa Ugu Badhxeen Qayboย Ka Mid Ah Shaqaalaha Oo Aan Iyagu Qorshaha Ku Jirin, Kuwaasi Oo Gebi Ahaanba Iyagoo Isku Duuban Banaanka Laga Dhigay Shaqada.
Run Ahaantii Hadabaย Kolkii Wararkaasi Soo Baxeen Soona Gaadheen Goobaha Inta Badan La Isugu Yimaado,Waxa Uu Noqday Mid Si Aad Ah Dadka Qaybiba Tafsiir Gaara Ka Bixiso, Khaasatan Laba Ka Mid Ah Wasaaradahaasi,Oo Kala Ah Maaliyadda Iyo Warfaafinta, Oo Dadwaynaha Qaarkood Qirayeen Inay Jirtay,Xubno Hoggaanka Xisbiga Kulmiye Calaamad Saareen,Xilligii Ay Isku Dhaceen Xukuumadda Siilaanyo Iyo Hoggaanka Xisbiga, Sida Weriyayaal Barnaamijyoย Ay Aad U Dhibsan Jireen Masuuliyiinta Kulmiye,Hiil Toos Ahna U Arkayeen Oo Laga Baahin Jiray Tv-Ga Qaranka Iyo Radioga,Sii Deyn Jiray,Kuwaasi Oo Gacan Yarayaashii Muuse Biixi Ee Wakhtigaasi Oo Uu Ka Mid Yahay Wasiirka Maaliyadda Iyo Agaasimaha Mucaawinooyinka Faysal Cali Sheikh U Diiwaan Gelin Jireen Madaxweynaha,Weliba Isagoo Agaasimahaasi Xil Ka Haya Xukuumadii Siilaanyo.
Halka Wasaaradda Maaliyada Iyadana Ay Hoggaanka Xisbiga Bar Tilmaameed U Ahaayeen Xubno Ka Mid Ah Masuuliyiinta Waaxaha Oo Qaarkood Ay Haween Yihiin.
Xogahan Ayaa Intaasi Ku Daraya, In Mid Ka Mid Ah Wasaaradahaasi Madaxweynuhu U Diray Gudoomiyaha Hayโadda Shaqaalaha,Muddo Ka Dibna uu Booqday Madaxweynuhu Kana Jeediyay Hadal Af Gobaadsi Ah Oo Uu Ku Muujinayo Inuu Ka Xunyahay Dadka Laga Joojiyay Shaqada,Isla Markaana Ku Baa Biโinayo Ku Lug Lahaanshihiisa,Balse Xaqiiqadu Ahayd Isagoo Cabsi Ka Muujiyay,Inay Fal Mucaaradnimo Ah Ooย Ka Dhan Ah Xukuumadiisa Ku Tallaabasadaan weriyaashii ka hawlgelayay halkaasi.
Si Kastaba Ha Ahaatee Waxa Falanqaynta Xogtaasi Dadweynaha Qaarkood Ka Muujinayeen Dareen Cadho Leh Oo Kaga Biya Diidayaan Sababta Shakhsiyaad Loo Igmaday Hoggaaminta Qaranka Lagana Sugayo Waxqabad Ummadda Kaafiya Ay Garashadoodu Hoos Ugu Soo Celisay Inay Dad Shaqaale Ah Hawlahoodii Kaga Aar Goostaan, Utun Hore.