Imraan Cali Togdheer Oo Shaaciyay Murashaxnimadiisa Golaha Deegaanka ee Caasimada Hargaysa Iyo Bulshada oo u Riyaaqday

Imraan Cali Togdheer Oo Shaaciyay Murashaxnimadiisa Golaha Deegaanka ee Caasimada Hargaysa Iyo Bulshada oo u Riyaaqday

Hargaysa( ) Imraan Cali Togdheer oo ka mid ah Aqoonyahanka  Reer Hargaysa isla markaana sidoo kale Caan ka ah Caasimada ayaa manta si rasmi ah u shaaciyay inuu u taagan yahay Murashaxnimada Golaha deegaanka ee doorashada fooda Inagu soo Haysa Sanadkan 2019

Bulshada ku dhaqan Magaalada Hargaysa ayaa si Balaadhan usoo dhoweeyey inuu Xubintan Firfircooni ay isku soo taagto Xildhibaanimada golaha deegaanka ee hargaysa isla markaana ay isla garab taagi doonaan Hiil iyo Hoo labadaba.

Aqoonyahan Imraan Cali Togdheer oo Caan ka ah Caasimada Hargaysa isla markaana Kasoo jeeda Isla Magaala madaxda Somaliland ayaa Bulshadu saadaalinaysaa inuu ku Guulaysan doono cod ka badan Kan ay kusoo baxaan Murashaxiinta La Tartami doonta Maadaama aad loo Wada garanayo isla markaana Ay shacabka taageerayaashiisu ku dooran doonaan Aqoon,Karti iyo Waaya Aragnimo Baahsan oo uu u leeyahay Dalka iyo deegaamada Bariga Somaliland Gaar ahaana Magaalada Burco.

Murashaxan ayaa Maalmaha Fooda Inagu Soo Haya Shaacin doona isla markaana soo bandhigi doona Xaflad Weyn oo uu ku Dhawaaqayo inuu u Tartami doono Xildhibaanimada Golaha deegaanka ee Caasimada Hargaysa

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker