Hantaaqada Loo geystay Hantidii Ummada-Hargeisa Women’s club Dugsigii Dhaqaalaha Haweenka Xaaji Haweeya Cabdi Mooge(IHUN)

Sida la wada ogsoon yahay Dugsiga Xaaji Haweeya wuxuu jaar wadaag wanaagsan la lahaa guriga uu lahaan jiray Cali Jirde (IHUN). Waxaaney ku wada joogeen nabad iyo caano, hase yeeshee iminka dugsigaasi inta la burburiyey ayaa lagu daray oo wakhtigan uu barxad gaadiidka la dhigto looga dhigay Huteelka Aamina Weris ee Jirde Hotel. Tani axay huteelka summad uga dhigaysaa inuu yahay “Huteelka Booli Qaran”. Waxaa kaloomurugo iyo ciil leh in ardeydii dugsigaasi oo xilligaasi 2015kii ku dhaweyd 2000 (laba kun) oo ardey la kala direy ilaa iminka ay ku maqan in dugsigii la dayac tirayo.Waxaana go’aankaa soo jeediyey oo xilligaa ahaa wasiirka waxbarshada Faarax Cilmi Geedoole oo haystay amarka xukuumadii Siilaayo. Ummadaasaa la leeyahay horumar ha gaadho!!!
Haddaba waxaynu si gaar ah u guda gali doonaa taariikhda dugsigaa la odhan jiray Women’s Club,kuna danbeeyey magaca Dugsiga dhaqaalaha haweenka ee Xaaji Haweeya iyo taariikh halgameedkii Xaaji Haweeya(IHUN).
La soco qaybaha danbe..

Hargeisa Women’s club
Dugsigii Dhaqaalaha Haweenka
Xaaji Haweeya Cabdi Mooge(IHUN)
http://farshaxan.com/Qoraal/0401/Hantaaqada_loo_geystay_hantidii_ummada.pdf

Fu,aad Sheekh Bahda Mareegaha Farshaxan www.farshaxan.com iyo
www.farshaxan.org

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker