Muuse Biixi Iyo Talada Dalka XIRSI Iyo Siyaasada Maaliyadda 2010-2015(Qaybtii 32aad) By: Maxamed Xoosh
Wasiirkii Hore Ee Gaashaandhiga ee Isreal βYahuudaβ Ayaa Laga Hayaa Odhaahdan
βCarabtu Waxba Ma Akhriyaan Haday Akhriyaanna Ma Fahmaan Haday Fahmaan
Ma Dabaqaan FULIYAANβ
Imika Buuga Miyiga Ilaa Madaxtooyada Ee Xirsi Qoray Wuxuu Yaqiinsanaa
In Soomaali oo Dhami Wax Akhriyin Haday Akhriyaana Aanay Fahmin Haday
Fahmaana Aanay Wax Ficil Ah Samayn
Xirsi Wuxuu Tilmaamayaa Markii Loo Magacaabay βChief Of Cabinetβ Ayaa
Madaxweyne Siilaanyo Markuu Ogaaday In Khasnada Dawladdu Madhan Tahay,
Wasiirkii Maaliyadda M/Xaashi Weydiiyay Xal Deg Deg Ah βIna Xaashi
Wuxu Yidhi Xalka Waxaa Ka Horeeyay In Cidii Ka Masuulka Ahayd La Soo
Xidho Cawil Cali Duwaaleβ
Xirsi Oo Hal Abuur Mufakir Ah, Waxa Ku Soo Dhacday Fikrad Iyadoo
Siilaanyo iyo Ina Xaashi Murmayaan Xirsi Ayaa Yidhi βMadaxweyne
Ganacsata Aynu Ka Amaahano Lacag Musharada Iyo Raashinka Habsaamay Iyo
Hawl Maalimeedka Aanu Ku Kala Socod Siinoβ
Sidii Ayuu Madaxweynihii Ku Qaatay Fikirkii Fiicnaa ee la Mahadiyay ee
Xirsi Waxa Dheeraa Wuxuu Raaciyay Amaahda Loo Baahnaa waa 6 Milyan oo
Dollar oo Xirsi Ayaa Jaan-gooyay Baahida Dalka !!!
Xirsi oo Sii Wata Ayaa Ku Sheegay Ina Xaashi MUCANGAG MADAX ADAG,
Sidaa Awgeed Ayuu Xirsi Ka Dalbaday Madaxweynaha In Dhawrka Bilood ee
u Horeeya Gelinka Hore Ka Shaqo Galo Wasaaradda Maaliyada Ileen
Maxamed Xaashi Waa Nin Aan Lagu Halayn Karayn Dalkee !!!
Xirsi Abuurida Golaha Guurtida ee Balaygubadle Fadhigeedu ahaa Wuxuu
Siinayaa Madaxweyne Siilaanyo LAAKIIN Waraysi Ina Xaashi Laga Qaaday
Wuxuu Ku Sheegay In M/Muuse Biixi Iyo Maxamed Xaashi Iyagu Lahaayeen
Soo Ururinta Odayaasha Dalka oo Markii Danbe Noqday Guurtida
Somaliland oo Dhan Matasha
Markii u Horaysay ee M/Daahir Riyaale Is Arkaan Xirsi Wuxuu Ku Yidhi
βAnigu Waxaan Ahay Nin Kursigaad Ku Fadhidid Hunguri Ka Hayoβ Yaab
Waan Sheegayaa Xirsi In Badan oo Siyaasada Hunguraynaysa Wuu Dhaamaa
Sida uu Uu Sheegay Fikir Iyo Aqoon iyo Firfircooni Iyo karti Iyo
Hogaanimo, Halabuurba Iyo Ilbaxnimo uu Ku Celceliyay BALSE Waxa Ku
Jirta Naf Suuq Joog ah oo BADAWNIMO Badan u Raacday Afka Iyo Fikirka
Uu Xanbaarsan Yahay Waa Sabool Ninka Ugu Weyn ee uu Ku Gefay Waa
Maxamed Siciid Ducaale βDAHABSHIILβ oo Noloshiisa Lahaa Waxaanu Ku
Odhan Ma Jirto βLeg Nin Siiyay Dishaa Liiti Doqoneedβ
Weli Waxaan Aaminsanahay In Xirsi Dhaamo In Badan oo Dal Iyo Dibad Joogta
Maxamed Xoosh



