[SYG Jobs] Qalad fahanay Qalinjabintii!
Marka hore aad iyo aad baan ugu mahad naqayaa inanta maqaalka quruxda badan ee farshaxka heerka sare ahi ka muuqdo ee ay inala wadaagtay ,ย waxayย ina daawadsiisayย sawir dhab ah oo maanta bulshadeena ka dhex taagan , waana arin u baahan in wax laga bedelo , haddii aad u sii fiirsato dhacdadan Hibo ka warantay iyo sida adduunku horumarka u gaadhay ,ย waxaan u soo jeedin lahaa dhamaan ardayda wadanka wax ka barataย in cilmigii ay barteen uu caqli iyo waayo aragnimoย u soo kordhiyo ee aanu dhaqaalo burbur u hor seedin , maamulka iyo macalimiinta jaamacadahana waxaan ku la talin lahaa haani gun bay ka tolantaaye , intay ardaydu wax baranayaan noloshadooda wixii anfacayaa u sheega iyo sida adduunku horumarka u gaadhayย si aynu arimaha la soo sheegay wax uga qabana , mar labaad ayaan u mahad naqayaa walaasheen hibo Ciiseย , halkaana ka sii wad dedaalka iyo wacyi gelinta bulshada
Mahadsanid
Kamal Xassan Isaaq



