[SYG Jobs] Qalad fahanay Qalinjabintii!

Marka hore aad iyo aad baan ugu mahad naqayaa inanta maqaalka quruxda badan ee farshaxka heerka sare ahi ka muuqdo ee ay inala wadaagtay ,  waxay  ina daawadsiisay  sawir dhab ah oo maanta bulshadeena ka dhex taagan , waana arin u baahan in wax laga bedelo , haddii aad u sii fiirsato dhacdadan Hibo ka warantay iyo sida adduunku horumarka u gaadhay ,  waxaan u soo jeedin lahaa dhamaan ardayda wadanka wax ka barata  in cilmigii ay barteen uu caqli iyo waayo aragnimo  u soo kordhiyo ee aanu dhaqaalo burbur u hor seedin , maamulka iyo macalimiinta jaamacadahana waxaan ku la talin lahaa haani gun bay ka tolantaaye , intay ardaydu wax baranayaan noloshadooda wixii anfacayaa u sheega iyo sida adduunku horumarka u gaadhay  si aynu arimaha la soo sheegay wax uga qabana , mar labaad ayaan u mahad naqayaa walaasheen hibo Ciise  , halkaana ka sii wad dedaalka iyo wacyi gelinta bulshada

Mahadsanid

Kamal Xassan Isaaq

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker