Dawlad bilaa Reer Nuur ah -waa aqal bilaa Nuur ah(Muuse Biixi oo noqday Gorayooy Gabal kuu dhac)

Tan iyo waagii uu Engriisku dhulkeena  xakumayay,Reer Nuur wuxuu ahaa  dadka wax ku le talada Somaliland.Habayaraatee  waligeed  Somaliland lagama dhisisin Dawlad uu Reer Nuur ka maqan yahay,Dawlad aanu Reer Nuur ku jirin Golaha  Wasiirada ee ay Somaliland yeelato.Yeelekeedaa waxaa  dhacday qarnigan aan joogno ee ay Ummaduhu hore u socdaan  inay Reer Nuur ka maqanyihiin Golaha Wasiirada Somaliland  ee uu Muuse Biixi Magacaabay.Reer Nuur ugama maqna madasha aqoon la’aan,tiro yari,siyaasad la’aan iyo talo xumo e waxay uga maqanyihiin waxaa weeye;Muuse Biixi ayaa  neceb Reer Nuur.Muuse Biixi ayaa  u haya  xumaan gaamurtay oo ka soo raacday meel ay adagtahay inuu qof maaanta nooli kuu sheego.Mooyaan hadii aad wax baadhbaadho inaad wax ka ogaato meesha nacaybku Odaygan ka soo raacay.Nacaybkan uu Muuse Biixi u hayo Reer Nuur wuxuu sii xoogaystay waagii uu Muuse Biixi ka tirsanaa Jabhadii ,S.N.M  ee   uu ka   ahaa   Bakhaarhaya  Jabhada.Wakhtigaasi oo ay reer Nuur iyo  Ciidankii Snm isla bas-beeleen.Dadku  way ka gudbeen arinkaasi iyo dagaaladaasi e waxaa wali xasuusan Muuse Biixi oo ilaa  maaanta aad ka arkayso dhaqamadiisa ku salaysan Reer Nuur nacaybka.
“Waxba yaanu xeerkay i marin xoolana i siine,xaashee nin Libin kaa xastiyay xumihii waa yaabe”.
Reer Nuur ,xaq aanay lahayn kama rabaan Muuse Biixi,wax aanay shaqaynsana kama rabaan,karaamo aanay lahayn kama rabaan inuu siiyo,laakiin magacaantii uu warqadaha ku qorqorayay  iyo wixii uu malmaluuqayay ee ahaa  Wasiirada,Generaalada ,wasiirku xigeenada ee  uu soo tiriyay wuu ka reebay Reer Nuur.Waana taariikhda Somaliland markii ugu horaysay  ee la dhisay Wasiiro aanu Reer Nuur Ku jirin.Taariikhdani  waa  mid gashay Diiwaanka Somalida meel kasta oo ay joogto.Ku darso oo dhacodani waxay yeelan doontaa ama  ay yeelay saamaynteeda oo Somaliland waxay u muuqataa meel sii dumaysa oo bilaa Nuur ah.Meel Nalkii ka sii bakhtiyayo iyo meel albaabadu u soo xidhmeen.Saa  karaamadii Reerka iyo Nuurkiiba meesha way ka maqanyihiin e – eessh-qiyaasaq Muuse Mr Handaraab.
Hangaraarac Lug uma dhitiyo,Reer Nuurna Wasiir ama laba wasiir u dhutinmaayo.
Muuse Biixi hadii uu doonayo inuu meesha sii joogo,hadii uu doonayo inuu Madaxwayne si ahaado,hadii uu rabo inay wax u hagaagaan,dhaqso  ha u magacaabo wasiir ama laba wasiir oo ka soo jeeda Beesha Reer Nuur.Tani waa isaga dantiisa iyo danta Somaliland guud ahaanba.Marka uu Reer Nuur xaqiisa helo ayay Somaliland  wax helaysaa.Marka uu Reer Nuur wax noqdo ayay Somaliland  wax noqonaysaa – waa  Jumlad isku xidhan ama isku soohan .Waa – win- win situation.Saa waxbaa  u kala  socondoona oo Tiriiga  ayaa  u shidmidoonaa madaxtooyada aad ku hoos caajistay  .Waay?Dee dad karaamaysan oo xaqoodu maqanyahay ayaa helaya xaqoodi.Degaanka Dila  ayaa  Tiriiga laga soo shididoonaa oo -waana meesha Nalka Somaliland  ka dansanyahay maanta .Ilaa inta uu degaanka  Dila ka dansayahay Nalkuna – adna hadaad Muuse Biixi tahay,waxaa ka dansanaayaya Nalka ama Nuurka.
Wabillahi Tawfiiq
Axmed Aadan Xuseen(Camash)

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker