MAANSO : KA SII DARAN

MAANSO . KA SII DARAN

Keene iyo kordhiye

Keene.waaryaa kordhiye saaxiib waxa la yidhi buurihii macdanta

Ee bariga S/LAAN   waxa lasiiyay shirkad budhcad macdaneed ah

Oo dalka koongo soo xaalufisay marunbaa.

Kordhiye. Weliba waxa la yidhi  RR  teenii kolonyo ah ayaa la raaciyay

Doolar badanbaa lagu kiraystay waa sida la yidhi.

Marba waxaad maqlaysaa hantidan qaranka qofbaa LIISAN loo siiyay

Oo cidkale ma taaban karto marka ay sidaa tahay ka fursan mayso

In ay noqoto  SNM  (2 )

IMMIKANA WAA AFARTII

Maansada . ka sii daran

 

Kudkii hora,e geeleena cunay

Kadab la,aan beeray

Ee kufsadayna maandeeq hadhgalay

Kuudud meel bacada

Ka sii daran ayaa loo xukumay

Koora furad keede

Mid karbaashay baa manta yimi

Oo kaliil xuna he

Kulligoodba waa meel cidla,ah

Kibirna yaalaaye

.

Kulayl kiyo dhibtay soo mareen

Shacabkan loo koodhay

ALLUUNBAA  ka baajee mar hore

Kiis xun lagu qaaday

Kor saruu nabsigi weli jiraa

Muu ka soo degine

Kuray iyo caruurbaa haddana

Keenadii sudhaye

Koox yaraan ujeedaba la hayn

Korodhso mooyaane

Iyo laba kornayl bay hadeer

Ugu jirtaa kiishe

.

Mid qudhoon iyaga kaadh ka sidan

Kadin ma dhaafaane

Kas xumiyo intii liidataa

Kooras kaw baxa,e

Kelidood ayaa soo godlada

Oo karuur dhama,e

Karaar jebiye shacabkii lahaa

Waydin koray saane

Kabteed baaban yeelayn intuu

Helay kadeeduuye

.

Keen doolar mooyee wax kale

Kuma kalaamaane

Immikana ku wii koongo cunay

Yaaba kuu yimiye

Ku dareere buuraha qurxoon

Kaydka qaran keene

KA KACAAY DALKII WAA XARAASH

LAYSU KAASHADAYE.

OO KU BIIRA CAARIYO INTUU

KORAY DAMIIR KOODU

 

Guuleed liibaan

snm  17 10@livecom

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker