Caasimada Hargeysa Cashuurtu waxay ka soo gashaa Airportka & Saylada, Burcana Cashuurtu waxay ka soo gashaa Saylada ugu Balaadhan,

Hadaba Airportka Hargeysa Dakhliga Somaliland ugu badan ayaa ka soo gala, oo Airport kale oo shaqeeya
ma jiro, Diyaaradaha Wadanka Yimaada ee Dubia, Jabuuti & ETHopia, & Kuwa Hay,adaha & Kuwa Calaamkuba
Airportkaas Hargeysa ayey ka soo degaan oo ku yaala Xaafada Masalaha Hargeysa, Dadka Deegaankaasi kuma
qabaan Dakhligaa ka soo gala, Horumar, Shaqaale & Xiitaa kuwa nadiifiya, oo Diyaaradahaa guuxooda & San-
qadha midna wax kuma qabaan oo horumar ah, oo xiitaa School, Goob Caafimaad, & Wado & Wax kale toona.
Dadka Airportku waxay Ku qabaan Wershed uu leeyahay Cumaani oo Siilaanyo adeer u yahay oo dhagaxaan
shiida oo caruurtii & Dumarkii Uurkaa laha & dadkii waaweynaa Sambabadu wada cadaateen, oo siigadaa
nuuga oo neefsada.
Saylada Xoolaha Hargeysa waa halka ugu badan Cashuurta D/Hoose oo waa Dekedii Hargeysa, Dakhliga kaga
soo noqdaa daa ee Wadadii Saylada ayaa burbursan, Kolkaa Dadka Koonfurta Hargeysa degen, ma Dad dhintey
oo Reer aakhiraadaba, ma Damiirkii ayaa dhintey, oo Nolol & Nafba ma laha oo wey hurdaan, waa Su,aal u taala
in Reer lagu quudiyo Cashuurta Airportka & Saylada Hargeysa reerkii degednaana ka qatan yihiin.
Saylada Burco Garxajis ayuu degaankiisa ku yaala hadana wey ka qatan yihiin, kolkaa Garxajis bal hays weydiiyo
waxa uuga yimaada Deegaankooda.
Reer Dekeda Berbera ku taala, Dekeda Maareeyahuhu waa Nin Deegaanka oo Ciise Muusa ah cid kale looma
dhiibo, kolkaa Ciidagale maxa u diidey inay Maareeyaha Airportka Hargeysa iyagu noqdaan,
Wajaale Kastanka ku yaala Nin Sacad Muusa ah ayaa Maamulaha, Bal Hadaba Garxajis maxaa u diidey inay iyagu
deegaankooda Airportkooda, Sayladooda ay maamulaan, Cashuurtooda qaataan lagy maal geliyo, wadooyin.
Kolkaa Waa quudinta qoyska reero gaara, ee Somaliland cadaalad kama jirto, wax wada lahaansho ma jiro.
kolkaa Reeraha aan ku jirin Reerka iyagu Cashuurtii qaatey ee qadiyey in lays weydiiyo, lala xisaabtamo, oo toosa
Reera hurda ee garxajis ee Airportkii & sayladiiba  laga xoogey inay hurdada toosaan.
wabilaahi tawfiiq.
Asha Jama

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker