Xasuus Qor…… Hada Isha ILa Mari Maqaal Aan Ka Qoray Mohamed Xaashi Cilmi 2002-gii Mar Uu Ku Eedaynaayey Marxuum Cigaal Xatooyo Xooli Dadweyne.

Ma Xaashi Ayaa ka Hadlaaya Xisaabtii Ku Maqnayd…….Ma Xaqiibaa Dildilaacay oo Agoontiibaa Xarbiyeysa.
Ma Xaashi-baa ka Hadlaaya Xisaabtii ku Maqnayd iyo Xatooyo Xoole Dadweyne.
Xukuumaday wax ku Qaado oo Xoolihii keena la waayey.(Pay back all of you).
10-kii Sanadood ee uu jiray Maamulkan Curdinka ahi ee Somaliland.waxa isu Bedlay Shabeelba Shabeelkii uu ka ilka-weynaa ama Ninba Ninkii uu ka
Cantuugada-weynaa.Xilhayihii hore oo Dadweynhu u Yaqaan (Cune) iyo Xilhayahan iminka oo
isna Loo Yaqaanu (Cunaaye) waa laba nin oo midna hore u soo cunay Hantida Dadweynaha ka kalena iminka Afka ku haya oo Dibnuhu ama Bushimuhu Qoyanyiin.
Aragtida Mulkiilaha dulman oo ah Daweynaha reer Somaliland ee Masaakiinta ah, uma kala sukeeyaan labadaa nin ama Shalay ha cuno Hantida Umadda ama Maanta ha cunaayo. (Waa dameer iyo labadiisi Daan), laba Dambiile.Waa halkii uu ka yidhi Abwaankii caanka ahaa ee (Gaariye). Waadhawrna Talo Ma leh wax ma dhaamo Waasuge.Cune iyo cunaayaw Dadweynaha ha isu kala Tilmaamina, waa u wada
Tilmaamntihiine.Cune ama Mohamed Xaashi oo wakhtigii Marxuum Cigaal iyo Riyaale ahaa Jilaa xirfadaysan oo Mucaarid ah…..Waa nin Meesha wax ku bartay, cuniinkeedana yaqaana oo Midiyo Xiiraayuu sitaa.
Cunaaye oo isna (Muxaafid) ku metelaaya Marxaladan, wuu Mar-furtay oo Dhuuntu Moqorka ayey ugu jirtaa Dhadhana wuu ku hayaa.Labadoodubana waxay ku Dhaantaynayaan in ay Dhuuxaan lafaheena, Dhaarna Way ku mareen. (Subxaana laah).Dadweynaha reer Somaliland ma Dad aad Hurdaa?
Dadweynuhu demene maaha aad u hurda ee waa dad aad u xishood badan, Culays Badanbaana saaran, xaga Siyaasada iyo xaga Dhaqaalahaba.
Wax kasta waxay ka doorbideen oo ka hormariyeen Adkaynta Nabadgelyada,Jirtaanka iyo kobcinta Dawladoodaa yar ee dhalaanka ah ee waliba Cune iyo Cunaaye ay geed dheer iyo geed gaabanba u fuuleen, iminkana ay Cuqaasha iyo Salaadiinta ku soo jaheeyeen.Dadweynuhu waxay Go’aan ku gaadheen in ay dawladnimada Taaba galiyaan Oo Ictiraaf ku hubsadaan. Inta ka horaysana aanay Cune iyo Cunaayey is Xagxagansi Tiirka Nabadu aan u jabin.Ninka guri Quraarad ah ku jiraw dhagax ha tuurin haddad tuurtana ha
fogaynin, Aniga oo Tixraacaya Maqaalkii Mohamed Xaashi Cilmi ee ku soo baxay Internet-ka (Somalilandnet). Ayaa waxaan aad u la yaabay Mr; Mohamed Xaashi oo ka mid kooxda reer (Cune) Naakhuude weyna ka ah Doontan ay saarn yihiin kooxdiisaa reer Cune Hanti-badana oo Dawlada hoose ee Hargaysa iyo Bangiga Somaliland ay leeyihiina loo tirinaayo in uu meelo kale Farta ugu fiiqo Dadweynaha kuna Jaheeyo, Taasi waa mid aan la filayn. Jawaabteeduna waxy tahay: Waa Mahadsantahay Mohamed ee horta ma isla Meel dhignaa tii adiga kugu
Maqnayd? (Duq gaboobay iyo wiil yar baa loo Dedaa hadal) Wax yaalo aad u badan ayuu ka hadlay Mr; Xaashi oo Runtii markaad eegto
u baahan wax ka Qabad iyo Dayactir, waxa ka mid ah wax yaaluhu Tilmaamay
Wadada Ceergabo.Su?aal, Mr; Xaashi ma xasuusanyahay wadadii Xafiiskiisa ee Dawlada hoose Hor maraysay sidii uu kaga tegay? Iyo Guud ahaanba Basiiradii iyo Busaaradii ka muuqatay Magaalada Hargaysa intii uu xilka hayey. ( Hadalada qaar-baa ku yidhaahda hay odhan haddii aad i Tidhaahdana hay ii noqon).
By: Osman Abdillahi Sool…… Freelance Journalist.
Copenhagen.Denmark.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker