Muuse Biixi oo Somaliland Maamul Goboleedyo inay noqoto ku soo wada oo Lamarkii Baabuurta Gobol kasta Lambar gaara u sameeyey, &

 Muuse Lockal oo awalba Dagaal Ooge ahaa & inuu Umada kala diro ayaa Mucaaridad weyn ay S/Land kaga bil-
aabantey, kolkii ku andacoodey Jeegaan ayaa i dooratey, oo uu Reerkiisa ku taxay Xilkii Umada & Reerka kale ee ay
Jeegaanta ku bahoobeen.
Hadaba, Siilaanyo & Muuse sidii Dhaxaltooyo ayey Kursigii isugu wareejiyeen, oo Laba Reer oo H/awal & /Jecla ah
Beelihii Kale ee Harti, Samaroon, Garxajis, Arab, Gabooye & Ayuub & Kuwa kalaba nagu daba fayla oo waxaan idiin
tuurno ku qanca.
Hadaba, beesha Garxajis ayaa Gacanlibaax Shir ay ku qabsatey ka soo saartey inaan Cadaalad darada S/Land ka jirta
uu Muuse wax ka qabto, Beelihii kalana wey ku raaceen, Muusana sidii Siilaanyo ayuu isu dhagooleeyey.
waxa Muuse Laga filayey inuu Shacabka dhegeysto, oo Hantii Siilaanyo boobey ee Reerkiisa, wasiiradii Reerkiisa ahaa
Islaantiisa & Kuwa Hablihiisa Qaba & Kuwii Muuse la degaanka ahaaba uu wax ka qabto.
Muuse Biixi wuxuu ku andacoodey qawdii maqashii waxna haw qaban oo Afar qof oo isku Reera oo H/ecla ayuu ku
andacoodey waa laga soo celinayaa Hantidii Umada, Reerkiisa & Kuwii Maaliyada dhan gacanta ku hayey ee Samaale &
Samsam & Sacad Cali Shire & qaar kaloo badan oo xiita anacsatada Reerkiisa Ina AwSiciid.
Sidaas Darteed, Muuse Lockal tuu keenaaba tu kale ka daran, isagoo Umadii kala yaacdey, oo Caare Baxay, oo Sool & sanaag
ayuu Goboladii sii kala qaybinayaa, oo Lambaradii Baabuurta, Gobol kasta Lambar gaara u samaynayaa, taasoo Somaliland
lawada leeyahay ay meesha ka baxdey oo Gobolo & Maamulo lagu kala abtirsnayo.
Somaliya Maamul Goboleedyo mid kastaa Lambar Gooniya aabuurkiisu leeyahay ayaa jira, Somaliland waakaa uuse ka dhogaya
Maamul Goboleedyo Gaadhi kasta sitaa La,mbarkii Gobolkiisa, oo aan laka amar qaadan doonin,
Ta Kale, Siilaanyo & Muuse waxay ku heshiiyeen Jeegaan & Gaashaanbuur, Kursigii sidii boqortooyo ayey isugu wareejiyeen
ililka, Saraakiisha, Qandaraasyada, Schoolshipka & Wixii Wadanku wada lahaa labadaa Reer ee H/Jeclo & H/awal ayaa isku
koobi jirey.
Hadaba, Kolkii H/Jeclo Xaaraan, Xaqdaro & Dulmi uu Siilaanyo faraq kasta uugu buuxiyey, ayey maanta Reerkii ay Hagbada
wada galeen ee H/Awal cuqubadii & aaraantii & Nabsigii isku direy, oo uu iska hor keenay oo ay ku andacoodeen Jeegaanti
waanu ka baxney, oo maxaa uugu hadhay Wadankii Daalinkii Siilaanyo iyagu Aduun & Aakhirba Xaaraan uugu buuxiyey H/Jeclo
& H/Awal oo isku mid ay wada ahaayeen, waa taa Xaqii Umadu isku direy Daalinkii Siilaanyo & Muuse Shaani & Hagbadii Jeeg-
aantu ku heshiisey.
waa Dulmi Diidaw Dulmi doon haysku noqon, H/eclo oo kolkey Xaaraantii ay la cunaysey H/Awal ka dheregtey ku andacootey
Jeegaantii waanu ka baxney, waa Bakhtiga ma cune ee fuudkiisaan cabnaa.
Wabilaahi Tawfiiq.
Asha Jama

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker