Maxaa ka jira in Somaliliand iyo Israaiil ay Xidhiidh Buuxa Samaysanayaan dhawaan

Tel Aviv (OWN)  Waxaa jira Warar Sheegaya in srael ay Xidhiidh Diblomaasiyadeed la yeelanayso dhawaadan dalka

Xilli Yahuuddu yuhuuddu ay eado Is ballaadhin dhanka  xidhiidhada ah Kuwaasoo ay la yeelanayso Wadamada Muslimiinta.

Madaxa Guud ee Sirdoonka Israel Eli Cohen ayaa wareysi uu bixiyey dhowaan ku sheegay inay heshiis nabadeed la galayaan laba dal oo mid ka mid ah uu ku yaallo gobolka Geeska Afrika.

 

 

“Heshiiska Israel iyo Sudan ayaa dhowaan la saxiixayaa, waxaana xiga doona dal kale oo ku yaalla Geeska Afrika,” ayuu Eli Cohen u sheegay raadiyaha ciidamada Israel.

 

 

Warbaahinta Israel qaarkood ayaa ku macneeyey inuu ula jeedo Somaliland, inkasta oo Somaliland .

 

 

Hadalka Eli Cohen ayaa imanaya ayada oo Somaliland ay  hore usoo dhawaysay Heshiiskii dhezmaray Israaiil iyo Imaaraatka Carabta.

 

 

Saddex xildhibaan oo ka tirsan baarlamanka Somaliland ayaa horey u weydiistay xukuumadda inay aqoonsato jiritaanka Israel, Xishiidhna la yeelato Tel Aviv.

 

 

Safiirka  Somaliland ee Kenya Baashe Cumar Cawil ayaa sidoo kale Taageeray xidhiidhka  Israel Iyo Wadamo badan oo Muslimiin ah.

Ambassador Baashe Cawil.ayaa yidhi sidan

“waxaan taageereynaa heshiisyada taariikhigi ah ee Imaaraadka iyo Israel. Heshiiskan wuxuu tusaale u yahay isbaheysiga dalalka gobolka ee xiiseynaya xasiloonida iyo wada-shaqeynta gobolka,” ayuu yidhi.

 

Xukuumada.Somaliland Wali.SinRasmi ah umay Xaqiijin Wararkan ay aadnwax uga Qorayaan warbaahinta Israaiil.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker