Talo Ku Socota Wasiirka Maaliyadda Somaliland.

Muddane Wasiir; cabashadda goboladda bari waa daw, haddaan garnaqsiga la siyaasadayn. Tusaale dhaw, Muddane Miisaaniyadda qaranka ee sanadka 2018 waa Boqol-sideed iyo lixdan milyan iyo todoba boqol oo kun oo doolar ($168,700,000), marka lagu sarifo qiimaha maanta ee tobankun oo shillinkeena ah, faahfaahinteeduna waa sidan:

Tiradda-guud ee Miisaaniyadda: $168,700,000 
Inta Shaqaalaha gasha: $66,130,400
inta Qarashka maalinlahaa loo qoondeeyey: $35,427,000
inta Mashaariicda cusub loogu talo galay: $58,201,500
Inta Daymihii hore ee Dawladii Siilaanyo lagu beegay: $8,941,100

Muddane wasiir lacagta intaas leeg ee loogu magac daray miisaaniyadda qaranka, waxa loo waddaaga si aan caddaalad ahayn, gobol ahaan, qabaa’il ahaan iyo haayado ahaanba. Tusaale ahaan Muddane Wasiir lix iyo lixdan milyan iyo boqol-iyo-sodonkun oo dolar waxa ay galaan shaqaalaha qaranka, oon gobolo ahaan iyo qabaa’il ahaan toona loo sinayn. Tiradda shaqaalaha, darajadda ay sitaan iyo xilalka ay qaranka u hayaan, intaba looma sinna, sidaas darteed, tiradda mushaharka, gu’nadda iyo awooda tasarufba waa lagu kala badanyahay, marka layska indha tiro, wixi daaha dabadiisa ka socda.

Sidaas oo kale; Shan iyo sodon milyan, afar boqol iyo todaba iyo labaatan kuna oo lacagta miisnaayiadda ku jirtana waxa loo adeegsaddaa agabka, sida shiidaalka, dayac-tirka, iyo wixii soo raaca. Nasiib daro se, shirkadaha adeegyadaa bixiya ee dawladda la macaamilla looma sinna, ee cidd gaar ah ayaa lagu naas nuujiyaa, taasina waxa ay keenta in waaxdii labaad ee miisaniyada qaranka ugu badnayd meelo gaar ah ku dhacdo..

Muddane Wasiir, marka aynu ognahay in dawladu ay tahay isha ugu wayn ee muwadiniinta wax ka soo galaan sida mushahar ahaan, wax-ka-iibin ahaan, wax-u-dhis ahaan iyo adeeg-siin ahaanba, haddaan halkaa loo sinaan, caddaaladdi jiri mayso, ee ma doodba ka jirta. Marka keega maamulkiisa, loo sinaado, ayaa caddaaladd ku cunkiisana loo sinaan karaa.

Image may contain: 1 person, smiling, outdoor

(Qalinkii Qoraa Aqoonyahan Prof Mustafe Baaruud)

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker