Dowladda Soomaaliya oo iclaamisay dagaal maaliyadeed oo ka dhan ah Al-Shabaab

Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Sulaymaan Maxamuud ayaa sheegay in xaafkiiska xeer ilaaliyaha uu si rasmi ah u bilaabay dagaal dhinaca maaliyadda ah oo ka dhan ah maleeshiyada Al-Shabaab, sida uu ku sheegay muuqaal uu xalay ku shaaciyay bartiisa Twitter-ka.

“Sida ay geesiyaasha ciidameenna Soomaaliyeed ee qalabka sida iyo kacdoonka bulshadu ay u wadaan dagaallo naf-hurnimo ah oo ka dhan ah kooxda argagixisda ah, waxaan halkan ku iclaaminayaa dagaal maaliyadeed oo ka dhan maal-gelinta argagixisda iyo dadka gacanta kula jira dambiyada lacag dhaqidda. Waxaan kula diriri doonnaa gudaha iyo dibadda meel walba oo ay joogaan,” ayuu yiri xeer ilaaliyaha guud Sulaymaan Maxamuud.

Waxa uu sheegay inay baaris iyo dabagal ku hayaan shakhsiyaad uu ku sheegay inay ku eedeysan yihiin dambiyo la xiriira lacag dhaqidda iyo maalgelinta aragagixisada.’

“Dambiyadan ayaa keenaya inuu kobco dhaqaalaha maleeshiyada argagixisada ay ku maalgelinayaan burburinta bulshadeenna Soomaaliyeed, sidaa daraadeed xaafiiska xeer ilaaliyaha guud ee qaranka wuxuu si dhow u daba socdaa isaga oo kaa shanaya hay’adaha baarista iyo kuwa caalamka dhaq-dhaaqyada maaliyadeed ee lagu dhaqayo lacagaha, laguna maalgelinayo argagixisada,” ayuu yiri xeer ilaaliyuhu.

Waxa uu sheegay inay sharciga horkeenayaan ‘qof kasta oo lagu tuhunsan yahay inay dhaqayaan lacagaha’.

Xeer ilaaliyaha guud ayaa sidoo sheegay inuu digniin adag u dirayo dad uu ku sheegay inay garsoor u raadsadaan Al-shabaab, wuxuuna intaas ku daray in qof kasta oo lagu tuhmo inuu garsoor u doontay Al-shabaab la horkeeni doono sharciga.

“Waxaan shacabka Soomaaliyeed ugu baaqayaa inay aaminaan dowladda, ayna ku garab istaagaan dadaallada lagu wiiqayo aragagixisada, loona hoggaansamo dhammaan shuruucda dalka,” ayuu xeer ilaaliye Sulaymaan Maxamuud kusoo gabagabeeyay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker