Siilaanyo & Reerkiisa & Kuwa uu Sodoga u Yahay, hadii Wadankii wada xaraasheen Gude & Debedba xaaraan buuxsadeen, Miyey Umada & Ilaahay ka xishoodaan.

Siilaanyo wuxuu Hargeysa u jooga & Aamina Weris inay Wadankii ay boobeen, Acountyo Debeda xaaraan ka buuxsadeen
inay ku darsadaan xaaraan kale, oo Baashe Moorgan oo ay Sodog u yihiin ayey rabaan in hadana meel kale oo uu wadanka
ka boobo loo dhiibo, kol hadii Iimaaraadkii uu jaqayey ee uu xaaraanta dhaansadey Muuse Biixi ka bedeley.
Siilaanyo horta Ilaahay ayaa xisaabin doona xoolihii Umada ee uu Islaantiisa, Kuwa Habilihiisa qaba, kuwa uu Adeerka u yahay
uu u fasxay gurta, oo Gude & Debedba dhigta oo Magacayga & Garabaykga ku booba.
Siilaanyo markii Muuse Baarlamaanku ay baadhitaan sameeyeen, walaw aanu midha dhalin oo Baashe uu Musuqii & Laaluushii
uu dhaqanka u laha ee Feedhaka laga xoreyn jirey intuu ka qaatey, D/Shiil & cali mareexaaniyo uu joojiyey, oo uu raal gelin
bixiyey, hadana, Siilaanyo Luxudka ayuu la soo kacay si aan isaga & slaantiisa & Reerkiisa loo baadhin oo intaanay soo gaadhin
uu iska mooso oo uu joojiyo.
Bal Hadaba, Siilaanyo ma xishoode Xaaraan cunkii Deked & Berberaba iibiyey ee Baashe Moorgan, ayuu Westo uugu jiraa inuu
Muuse Biixi Kenya & Safaarada uu uga bedeli lahaa, Ilayn Dadku haday xaaraan, Xaqdaro & Dulmi uu irsiqadu noqdo, ilayn
Xishood, Aduun & aakhiro midna midns ma xeeriyaan ma xasuustaan.
Sidaas Darteed, Siilaanyo & Reerkiisa& Wasiiradiisii & Ehelkiisii Qaraabo & Xididba waa in la baadhaa, lagu maxkamadeeya
Xoolihii Umada ee Guryo, Schoolo, Wershedo, Deked, Airportyo, iro, Dhul & Badba, oo aan lagaga hadhin.
Somalidu waxay tidhaa Hunguri wadkii ma arko, Siilaanyo, Aamina Weris & Moorgan xaaraan kale ayey Hargeysa u joogaan
inay kordhistaan ee tii hore halaga soo matajiyo.
Wabilaahi Tawfiiq.
Asha Jama

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker