Toljecle Goormuu Galbeed soo Deggey?

Toljecle waa qeyb Aadan Maxamed Abokor (Aadan-madoobe) ka tirsan. Waa intii markii dagaalkii sokeeye ee qarnigii 19aad beesha lagaga adkaadey, waa intii galbeed u soo qaxdey. Taariikhdiisu mid sidaas u sii fogma ahan, oo goobihii iyo goorihii uu soo deggey ayaa la wada ogsoon yahay. Sidaas darteed, soo’yaalkiisu mid uu madmadow ku jiro, ama uu shaki gali karayo ma ahan, oo waa’ba shaleydan.

Waxa markhaati inoogaga filan, innaga oo deegaannada uu Toljecle’hu haddeer galbeed kaga suganyahay, ama mar uun qoys Toljecle ah’i uu kaga nagaadey, innaga oo goobgoob isku dul taagna; oo raadraac ku wada sameyna. Arrintu mid sidaas u sii culus, oo baadhitaan dheer oo dhib leh, ama tacab iyo tamarbadan inooga baahan ma ahan, oo maktabadihii xogtaas laga heli lahaa ayaa haddeer xaadir ah; oo waa odayaashan Toljecle ee maanta nool.

Inuu Toljecle uu dhawaan galbeed soo caga’dhigtey, oo Ugaadh Aadan-madoobe’hii bari ka soo qaxey uu yahay waxa u dalliil ah;raadkiisii ayaa’ba sii qoyan. Meelaha Toljecle uu galbeed kaga sheeggan yahay, ee maalmihii uu ka soo daahirey’ina ay dhawaan uun ahaayeen, ayaa kuwan ah.

Dhaboolaq
Gogol-wanaag
Shabeele
Lafta boqorka
Ijawaaji
Wadda-dhibiiq (Dacarta)
Lafa-islaamood
Ruke
Koojaaraha
Qabuuraley
Geelaa
Faafan

Meelaha magaalooyinka ah, ama tuulooyinka ah, ayaa ah:

Hargeysa
Arabsiyo
Togwajaale
Jigjiga
Fayaanbiiro
Harar
Diri’dhaba
Jibuuti

Sidaas darteed, dhinac deegaan ahaaneed haddii laga eego,ama gees taariikh ahaaneedhaddii laga raadraaca’ba, Toljecle waa Aadan Maxamed Abokor (Aadan-madoobe); oo waa badhkii galbeed u soo qaxey.

Alla ha u naxariisto’e, Cabdi Iidaan ayaa yidhi:
 ̄ ̄ ̄ ̄ ̄ ̄ ̄ ̄ ̄ ̄ ̄ ̄ ̄ ̄ ̄ ̄ ̄ ̄ ̄ ̄
Runtii shimiqda waxa looga dhigey, una shareernaatey
Ee ay beentu shaaraca ku timid, sheeg haddaad garato.

 

Maxamed Sheekh Daahir
sheekhdaahir@gmail.com

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker