Xog ku saabsan hay’adda wadooyinka SL
HALA BADBAADIYO HAYโADDA WADOOYINKA SOMALILAND
Sidaynu ognahay bishii labaad ee sanadkan 2018, waxa uu madaxweynaha
SL uu maareeye cusub u magacaabay hayโadda wadooyinka Somaliland ee
loo yaqaan RDA. Maareeyaha cusub waxa magaciisa la yidhaa Cismaan Aw
Cabdi, waana nin ay taariikhdiisii hore ee madoobayd ay aad u
yaqaanaan shacabka SL.
Hadaba sida aan ku helay warar xog ogaal ah oo ay ii sheegeen qaar ka
mid ah shaqaalaha hayโaddu, intii uu maareeyaha cusubi joogay hayโadda
wuxuu ku kacay talaabooyin foolxun oo ka baxsan nidaamka iyo anshaxa
shaqada dawlada, waxaana falalkaa ka mid ah:
1. Inuu kala-sooc iyo cadaalad daro ku sameeyey shaqaalihii hayโadda
isla markaana uu si qaraabo kiil ah u samaystay koox yar oo shaqaalaha
ka mid ah kuwaas oo uu si gaar ah ula tashado isla markaana ugu dirto
shaqooyinka hayโadda.
2. Inuu kelidii isku koobay shaqadii iyo hawl maalmeedkii hayโadda
isla markaana aanu haba yaraatee madaxda waaxyaha hayโadda la wadaagin
shaqooyinka iyo hawl maalmeedka hayโadda. Isla markaana mararka
qaarkood wuxuu shaqada iyo hawlmaalmeedka hayโadda u adeegsadaa dad
shicib ah oo ka baxsan shaqaalaha hayโadda.
3. Inuu fulinta mashaariicda wadooyinka ee hayโadda uu si dadban ugu
samaystay shirkad ka kooban koox yar oo shaqaalaha ka mid ah kuwaas oo
mashaariicda iyagu gacantooda kusoo qiimaysta kuna fuliya qiimo aad u
sareeya. Habkaasna waxa hayโadda kaga luma lacag badan oo u madhxi
lahayd haddii shirkadaha badaxa banaan loogu bandhigi lahaa iyadoo la
marinayo gudida qanadaraasyada qaranka.
4. Inuu si joogto ah lacag badan ugu bixiyo adeegsiga saxaafada kala
duwan si uu ugu muujiyo shacabka iyo m/weynaha magacaabayba sawir been
ah oo ah inuu yahay nin shaqo badan ka wada hayโadda.
5. Inuu marka shaqaaluhu rawaxo uu xafiiska la yimaado kuna fara
xumeeyo dumar waaweyn oo uu saaxiib la yahay.
Sidaas daraadeed, waxa fiican in saxaafada madaxa-banaan ee Somaliland
ka jirtaa ay arimahaa kor ku xusan ay baadhis gaar ah ku samayso isla
markaana usoo bandhigto shacabka iyo m/weynahaba si talaabo ku haboon
looga qaado.



