XOG LA XIDHIIDHA XUKUNKA MAXKAMADEED EE LAGU RIDAY GUDOOMIYIHII GARABKA DHALINYARADA XISBIGA WADDANI MR DHAME

Maxkamada Maroodi jeex ayaa ku riday xukun 6 Bilood ah Gudoomiyihii Garabka Dhalinyarada Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Mudane Mohamed Sadiiq Dhame.

Garsooraha Maxkamada ayaa Go’aamiyey inuu ku xukumo Mudane Dhame Xabsi 6 Bilood ah, Habeenimadii ayuu Garsooruhu Wargeliyey Taliska Ciidamada Police-ka S/land inay Berrito Maxkamada Keenaan Ciidan Xoogan oo Suga Amniga Maxkamada Maadaama Garsooruhu Dareensanaa in Xukunkiisu Xaqdaro ku yahay Gudoomiye Dhame; Sidoo kale Taageerayaasha Xisbiga Waddani laga Filayey inay Banaanbax kaga Fal-celiyaan Go’aanka Sharciga Baal-marsan ee Maxkamadu ku dhawaaqaysay.
Shaki kuma jiro in Xukuumadu Ogayd Xabsi Mudeedka Berito loogu Dhawaaqayey Mudane Dhame; Balse, Waxaa la Qorsheeyey in Xisbiga Waddani laga lumiyo Jiheeyaha, si Mr Dhame-na u Liqo 6 Bilood oo Xabsi ah ayaa la Qorsheeyey in Marka Maxkamadu Go’aanka ku dhawaaqdo, Dhinaca Xukuumadu Diidaan Go’aanka, Dalbadaana Racfaan, Taas oo macnaheedu yahay “Mr Dhame 6 Bilood oo Xabsi ahi way ku yar-tahay”. Markiiba Sidii baa dhacday oo Lawyaradii Xukuumadu waxay Go’aankii Maxkamada ka Qaateen Racfaan Ama Appeal.

Dhacdadani waxay la yaab ku noqotay Lawyeradii u doodayey Mr Dhame iyo Guud ahaanba Taageerayaashii Xisbiga Waddani; Balse Xisbiga Waddani wuxuu u Fahamnay in Qorshuhu yahay in Mr Dhame & Xisbiga Waddaniba lagu Qanciyo Xabsiga 6da Bilood ah.

Hadaba; Waxaan Xukuumada iyo Garsoorkeeda ku Wargelinaynaa inaysan Marnaba Xisbiga Waddani raali ka noqonayn in Mr Dhame Xabsiga ku sii jiro; Sidaas awgeed waxaanuna Maxkamada loo Rafcaan Qaatay iyo Garsooraheedaba ka filaynaa in Go’aamin doono Xukun Cadaali ah oo Macnihiisu yahay in Mr Dhame la sii daayo, Xoriyadiisana uu dib u helo.

Waxaan Xukuumada, Shacabka S/land iyo Hayadaha Xuquuqul-insaankaba ku Wargelinaynaa inaan Xisbiga Waddani Marnaba Aqbali doonin Xukun Xaqdaro ah oo lagula kaxo Gudoomiye Dhame ama Xubinkasta oo Xisbiga ka tirsan.

Sidoo Kale, Waxaan Xubnaha Xisbiga Waddani Gaar ahaan Garabka Dhalinyarada ugu baaqaynaa inay u diyaargaroobaan ka difaacida Gudoomiyahooda Xukun kasta oo Xaqdaro ah oo Sharciga Baal-marsan.

Haday Xukuumadu Sharciga Dalka iyo Xuquuqda Muwaadiniinta ilaalin waydo uma malaynayo in Xisbiga Waddani Damaanad Qaadi doono ilaalinta Sharci ninkii loo igmaday Burburinayo.

Xisbiga Waddani wuxuu Garawsan yahay in hadii Maanta Gudoomiye Dhame Xabsiga loogu hayo Dhaliisha Xukuumada & Hab-dhaqankeeda in Xubnaha Xigi doonaa yihiin Gudoomiye Ciro; Xildhibaan Jirde; Hogaamiye Xirsi; Xoghaye Khadar; Xoghaye Fatima Saeed; Sarkaal Ismail yare; Afhayeen Barkad; Xildhiban Husein Caydiid; Xoghaye Yoonis; Xoghaye Nuuradiin; Sarkaal Muniir Cigal; Gudoomiye Cukashe & Weliba Afhayeen Qasim Saleebaan oo ah Xubnaha Mar-walba Sixida, Toosinta & Dhaliisha ku Haya Xukuumada Kulmiye iyo Hogaankooda.

Illahay Garsoor Cadaali ah ha nna siiyo.

Afhayeenka Yurub
Xisbiga Waddani
Qasim A Saleebaan

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker