SALDHIGILA`AANTA SIYAASADA WASAARADA WAXBARASHADA EE SOOMAALILAND
Wasaarada waxbarashadu waxa ay ku kordhisay fasaxii 2 labada bilood ahaa , bilkale , taasina waxa ay keeni doontaa khalkhal waxbarasho maadaama arrinkan dhawr jeer ay isku dayeen wasiiiradii uu u magacaabay Xisbiga kulmiye mudadii uu maamulaayey dalka, taasina waxa ay keetay buuq badan, ugu denbayna waxa laga gaadhay xal iyo heshiis waara. Waxa kale oo ay ku doodayaan dugsiyada waxbarada ee dowliga ah iyo kuwa Gaarka loo leeyahayba in bishaa lagu kordhiyey aanay haboonayn oo ay gaf iyo khalad ku tahay dugsiyada waxbarashada. Waxa kale oo ay sheegeen dugsiyadu in aanay bishaas dheeraadka ahi ugu jirin ajandaha iyo wixii laysku ogaaba oo ay khalad ku tahay dugsiyada.
Hadaba maxaa ka dhex guuxaya wasaarada 10kii sannadood ee u danbeeyey oo ay u saldhigi –laadahay , mise waa meel kolba qofkii loo magacaabaaba uu khalkhal galiyo. Ka soo biloow Wasiir Samsam ilaa Faratoonkan iminka jooga waa lacabanayaa uun, bal Maxadweyne Muuse Biixi Cabdi waxa aanu ka codsanaynaa hadii aanu nahnay dayarta dalka ee arrintanina khusayso bal meesha hoos u eeg maxaa ka khaldan si loo saxo. Hadii dalka loo samaynaayo nidaam waxbarasho ma wasiir ayaa u samaynaya mise waa mid qaranka lagala tashanaayo, wey fiicantahay inuu dalku yeesho nidaam waxbarasho laakiin se waa inuu noqdo mid saldhigaya oo kalba aanu wasiir keenin nidaam cusub oo kalifaad ah. Hadii ay wado Wasaaradu mashruuc faaido u leh dalka waxna laga faaidaayo oo tayada waxbarasho iyo dhaqaala xumida ka jirta dalka waxlagaga qabanayo mushaharo fiicana loo qoraayo macalimiinta ka hawl gala dugsiyada. Hadii kale oo aan sidaas la yeelayn yaan dalka la khalkhalinin.
Waxa aynu ognahnay in boqolaal kun oo raday ah oo iskugu jira arday dugsiyada dowliga ah iyo kuwa gaarka looleeyahay ay u diyaar garoobeen in ay tagaan 1/8/2018 dugsiyadoodii si aanay manhajka waxbarasho dib uga dhin ardayda. Waxa kale oo aynu ognahnay in dhalinyarada habeenkii dadka moobilada ka qaadaa ay yihii 80 % ardayda fasaxa ku jira oo markii ay waayeen wax ay ku mashquulaan door biday dafida moobilada dadka iyo in meelaha luuqyada ah ee madow ay dadka ku baadhaan, wasaaraduna waxba kama oga ficiladaas jira , arrimahaas wax lasocda oo og waalidiinta ubadka haysta.
Go`aankan la`leeyahay wasiirka waxbarashada ayaa qaatay ma xalbaa mise waa xal la`aan? aniga waxa ay ila tahay waa xal la`aan dalkana waxa soo food saaray dhaqaalo xumo iyo sixir barar is daba-joog ah. Markaas sidee ayey suurta gal unoqon kartaa in jahawareerkaas lagu sii jiro ma dalka oo xaalad tabcaan ah ka soo baxay ayaa hadan dib lagu celinayaa mid kale, waxa ay ila tahay suurta gal ma ah arrintaasi waa lagu degdegay oo wasaaradu kalama aysan tashan cidii ay qusaysay , markaas waa in si dhakhsa ah looga laabto iyadoo la tixgalinaayo shacab weynaha soomaliland iyo bahda waxbarashada.
Arinkani waxa uu hor seedi karaa Tahriib hor leh oo da`yarta wadanka saamayn ku yeelan karta iyo inay yeeshaan balwado u khaas oo dhibna keeni kara lana maarayn kari waayo wadankana khalkhal u keeni kara, markaas maaha in mustaqbalka da`yarta lagu khamaaro , waa in la tixgaliyo lana ilaasho masuuliyadna layska saaro waa sida kali ah ee aynu wadankeena ku ilaashan karno
Waxa kale oo aan halkan uga sheegi la`haa wasaarada in manhajka iyo wakhigu kala badan yahay taasna ay wasaaradu ku xisaabtanto, talada culimaa`udiinkana aqbasho oo aanay ka hor imanin cid kasta oo erga ah.
Wabilaahi Tofiiq
Qalinkii Maxamed muuse Cilmi
Bariise _77@hotmail.com