Hargeysa Caasimada Quruxdeedii waxa liqay Maayirka & Dawlada, Caasimada Fidiysa Dhismaayaal Leh, Wadooyinkii Burbur, Xashiish, Foolxumo & Dooxooyin la desitey.
Hargeysa Caasimadii Dalka, Laakiin Dariiq Xumo, Dayacnaan, & Dooxyo wadata.
Hargeysi, Magaal Mug Weyn, Laakiin aan muuq lahayn, oo hoosta ka madhan.
Hargeysi, Magaalo Baabuur & Basas fara badan wada socdaan, Laakiinse
Wado Xumo, Jeexjeexyo, Boholo & Godod ay Kuwada Jiraan, oo hoosta laga
wada qodayo.
Hargesi Maayir ku naaxay Xoolihii Umada, oo Xaaraan la dibirey, oon Xishoonayn, oon Xafiiskiisa Imanim, oo Is Xariifin & Cay & Aflagaado Tv,yada
la soo taagan.
Hargeysi Magaalo Mug Weyn, laakiin Magaceedii uu Diley Maayir Xashiish.
Hargeysi, Magaalo Mug Weyn, oo Dawlada Dhexe Biyihii & Barwaaqadii ka
liqdey, oo intey cuneen ku andacoodey Hargeysa Biyo kuuma hayno.
Hargeysi, Magaalo Dawladii u qaybisey Labada Daamood, oo dadka wadajir-koodii Cuqdad & Cunfi lagu kala beeray.
Hargeysi hore Labada daamood oo dooxu kala badhe ayey ahayd, Imika
Jeegaan & jeegaandiid, & Jaar Jahanamo ayey Jeegaantii ku jihaysey.
Hargeysaay Horumar waad gaadhi lahayd ee Maayir Calool Dameer & cagaweyne ka ag ciya ayaa Ceebtaa ku saaray.
Hargeysaay Dawaladii Dhexe & tii Hoose Dakhligaagii wey gurtaan, hadana
dayac, duli, dariiq xumo, Dooxyo ayaad la deris noqotey, Dadkaagiina wey
ku dayaceen oo kuu damqan waaye.
Hargeysaay, Duligaa waxa ku saarey Kuwa Deegaankaaga ah ee hadana kuu
damqan waayey, oo waataa, Oromo & ETHOpiyaan maanta Gododkii wadad
adii ay dhagaxaan dul dhigayaan.
Hargeysa, Rabi haku siiyo Gole Deegaan & Maayir Daacad kuuba noqdo oo
kuwan Dibirey. oo Sidii Gafanihii Calooshii wada naaxay, & Maayir Calool
Dameer & Ku Xigeenkiisa iska caabada intuu Rabi kaa daadiyo, ku siiya kuwa
kuu diirnaxa oo dariiqyada kuu dhisa, oo Boholaha & gododkana ka daboola.
Wabilaahi Tawfiiq.
Asha Jama
ashaa.j@live.nl



