Heshiiska dhexmaray Somaliland iyo Kenya Wuxuu Kor u sii Qaadayaa Xiisadda Somali iyo Kenya,,Ethiopia

Hargeysa (OWN) – Dowladda Itoobiya ayaa markii u horeysay ka hadashay socdaalkii uu dhawaan madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ku tegay caasimada dalka Kenya ee Nairobi, halkaas oo ay  heshiis ku wada gaadheen labada dawladood.

Itoobiya ayaa sheegtay in heshiiska ay wada Gaadheen Somaliland iyo Kenya uu kor usii qaadayo xiisada Nairobi iyo Muqdisho,

 

Iyada oo si gaar ah usoo qaadatay qoddob ku jiray heshiiskaasi oo dhigayay in Kenya ay Qunsuliyad ka furato Hargeysa.

 

“Kenya waxay qunsuliyad ka furan doontaa Somaliland, taas oo u ololaynaysa Aqoonsi caalami ah, siina kordhinaysa is-faham-waaga u dhaxeeya dowladda jaarka ee Soomaaliya,” ayaa lagu yidhi  Warbixinta toddobaadlaha ah ee ay wasaarada arrimaha dibedda Itoobiya kasoo saarto falanqeynta gobolka.

 

 

Xukuumadda Itoobiya ee uu Hogaamiyo Abiy Axmed ayuu xidhiidh saaxiibtinimo kala dhaxeeya dowladda federaalka ah ee Somalia

 

Taasi oo keentay inay walaac ka muujiso heshiiska aan weli dhaqan gelin ee dhex-maray Muuse Biixi iyo Uhuru Kenyatta.

 

Itoobiya ayaa ka mid ah dalalka uu xidhiidh diblumaasiyadeed ka dhaxeeyo Somaliland,

Inkasta oo uu meeqaamkiisi lumay tan iyo markii uu Abiy Axmed dhinaca saaray dowladda federaalka ah ee Somalia.

 

 

Somaliland ayaa dhawaan heshiis la saxiixatay dowladda Kenya, kaasi oo ay qalinka ku duugeen madaxda labada Dawladood.

 

Waxaanuu  dhaqan geli doona heshiiskaasi bisha March ee sanadka cusub, kadib marka ay dhacdo Doorashada Soomaaliya ee lagu muransan yahay.

 

Kenya iyo Soomaaliya ayaa iyagu si weyn usii kala fogaaday kadib markii ay xukuumadda Muqdisho xidhiidhkii diblumaasiyadeed u jartay Nairobi,

 

 

Hase yeeshe maalmihii u dambeeyay  waxa socday dadaalo lagu dejinayo xiisada labada dhinac, iyada oo magaalada Jabuuti lagu kulansiiyay madaxda labada dal.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker