Mudaharaadadii ka socday Dalka Suudaan oo markale dib u bilaabmay

Dad badan oo reer Suudaan ah ayaa wadooyinka isugu soo baxay iyagoo ka biyo diidan xukunka milatariga, wararka qaarna waxay sheegayaan in dhimasho iyo dhaawac ay jiraan.

Wakaaladda wararka ee dawladda ayaa sheegtay in ay dhinteen toddobo ruux, 181 ruuxna ay dhaawacmeen, wakaaladdu waxay soo xigatay wasaaradda caafimaadka.

Guddiga Dhexe ee Dhakhaatiirta Suudaan oo mucaaradka la haya ayaa sheegay in la dilay ugu yaraan shan ruux oo ka mid ahaa mudaaharaadayaasha .

Suudaan ayaa qasnayd tan iyo markii uu milatarigu xukunka ka maroorsaday madaxweyne Cumar Xasan Al Bashiir bishii Abriil ee sannadkan 2019.

Arrintaas ayaana daba socotay kacdoon shacab oo dadku ay ku diidanaayeen xukunkiisa. Al Bashiir ayaa xukunka xoog kula wareegay 30 Juunyo 1989.

Mudaaharaadka Axaddii dhacay ayaa ahaa midkii ugu waynaa tan iyo markii hawlgalka lagu bartilmaameedsaday dadka dimuqraadiyadda u ol’oleeya bishii Juune saddexdeedii.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker