KHALADAADKA BOOLISKA

Marka hore Asalaamu calaykum dabadeed waxaan rabaa inaan hala ku soo gudbiyo waxyaabo ay ku dhaqmaan askarta qaarkood noocay doonaanba ha noqdaane kuwa gaadiidka kala haga ama booliiska kaleba.
Waxa laga yaabaa dadka qaar inay wax iska caadiya u haystaan laakiin qolyahayaga qurbaa ka soo noqday wax badan oo aan la yaabno baa dalka ka jira . Arrinkaan rabo inaan ka hadlo waxa weeye marar badan baan arkay askar gacanta ula tegaysa dareewal gaadhi oo dhirdhir baaxaya arrinkani waa arrin FOOLXUN oo u baahan in la bedalo mooyi inay ogyihiin madaxda u saraysaa.
Way jirtay in waqtigii xukuumadii Siyaad Barre qofka la tukhun tukhin jiray lana dhirbaaxi jiray markaa waxaan filayay inaynu arrimahaa hore uga soconay laakiin xaaladu waa jugjug meeshaada joog.
Maalin waxaan u imi laba askari oo taraafikada ah oo inan dhalinyaro oo gaadhigiisii dhex fadhiya dhir dhir baaxaya dabadeena waxaan ku idhi waar bal u kaadiya haduu denbi galay kaxeeya laakiin gacanta ka daaya. Maalmihii ramadaanta u danbeeyay waxaan arkay nin oday ah oo dirays sita iyo qori Ak ah bakoorad iyo baastoolad oo hadba dareewal gaadhi isku qaadaya dabadeed waxaan u imi sarkaal ka tirsan booliska oo fadhiya aaga suuqa waaheen halkaasoo ay fadhiisan jireen ramadaanta waxaan u sheegay ninkii askariga ahaa ee aadka u kacsanaa wuxuuna igu yidhi cidbaan u diraynaa.
Waxaa kaloo inan ii sheegay inuu mar Burco ka soo safray soona raacay basaska waawayn dabadeedna wuxuu yidhi habeenkaaana aas baan ku maqnaa aadna waan u daalanaa dabadeeedna waxaan ku dhex seexday baskii subaxii dabadeena bar kaanatarool baa baskii istaagay dadkiina waxa la yidhi soo dega anigu ma ogi oo waan hurdaa dabadeedna askari baa baskii soo koray dabadeedna dhirbaaxo buu iiga soo gooyay oo yidhi kac baastar yahow ana naxdintii baan dhirbaaxo uga soo gooyay.
Habeenadii ciidku soo gelayay sidookale waxaan arkay laba askari oo dhalin yaro ah oo aad u kacsan midbaa qorigii uu sitay bas uga soo gooyay ….gaw.. suuquna aad buu u camiraa oo dadku uga buuxeen waa dhici karaysay siduu qoriga ugu dhuftay inay xabadi ka soo boodo oo dhawr qof isu marto sidii loo buuxay intii kumay joogin ee waxay bilaabeen inay cay iyo dhirbaaxo isugu daraan inankii baska waday.
Waxaana waxa keenaya sharcigii oo aan laga shaqaysiinayn sida in qofka loo digo, in la ganaaxo iyo in laysanka laga qaado haduu wax weyn sameeyo oo maxkamad la geeyo laakiin arrintii waxay ku soo ururtay dhirbaaxo. Waxa kaloo keenaya dhibka jidadkii gawaadhidu kala mari lahayd oo cooshado ganacsi laga dhistay dabadeed waa inay gawaadhidu hal dariiq isugu yimaadaan oo isku cidhiidhyaan.
Markaa hab dhaqanka noocani wuxuu keeni karaa isku dhac hadhawna hadii dhibi timaado waxaa arrintu noqonaysa laba reer oo ka xaajoonaya waxii dhacay. Markaa waxaan ku talin lahaa in askarta wacyi gelin la siiyo dadkana ay ula dhaqmaan si ixtiraam leh dadkuna ay ixtiraamaan ciidanka amaanka ee hawsha qaranka haya waana ku bogaadinayaa ciidanka iyo saraakiishaba siday ramadaantii u shaqaynayeen marka laga reebo khaladaadkaa aan tilmaamay.
Waad mahadsantihiiin
C/razaaq Xiis
abdurazaqhiis@gmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker