Ku socota mayorka magaalada burco ee gobolka togdheeer.

Mayor maad dhisin wadadii aynu isku ogayn:

Waxaan tv ga iyo warbaahintaba ku arkaayay mayorka magaalada burco oo ku baanaaya waxaanu dhisnay wadooyin badan iyo waliba mashaariic badan oo aanu ku hore marinayno magaalada burco, waxaan aad usoo dhowaynayaa dedaalkaa iyo mashaariicdaa dowlada hoose fulisay iyo dedaalkaa mayor muradba, lkn waxaan mayor ku xasuusinayaa inaanad wadadii aynu 7 jiir u kulanay ama aan kaala hadlay eed balan qaad keeda lahayd aanad wali waxba ka qaban ama dhis, wadadaasi waa ta saylada ilaa af gooye isku xidha, waa wado biyo mareen noqotay, waa wado aan gadiidku marin dhibaatooyin badana ku haysa dadka xaafadaas degan.
Hadaba mayor waxaad ka hadshay cadaalad iyo wax wada qaybsi aadna waad u dacaayadaysay gobolada Somaliland qaar kood, mayor sida aad gabiiley uga cabatay yaanay caafadaha burco kaaga cabanin Ayaan kuleeyahay.

 

Abdirisak gaariye
Akjama2012@hotmail.co.uk
England/uk

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker