Colaadda Soomaali iyo Oromo yaa hurinaya?

Dhawaanahaan waxaa aad loo buunbuuninayaa colaadda dhextaal Soomaalida iyo Oromada, waxaana ka muuqda in Soomaalida lugu abaabulayo dagaal ballaaran oo ay la galaan Oromada. Ma aha markii u horraysay oo ay islaayaan labada qawmiyadood, mana dhici jirin in sidaan loo buunbuuniyo ama soomaali oo dhan lugu guubaabiyo colaadda Oromada. Kolka waxaa ii muuqatay in arrintu ka gun dheertahay dagaalada socda; sidaas darteed ayaan mawduucaan qalinka ugu qaatay.

Nicmooyinka waaweyn ee Ilaahay soomaali u galay waxaa ka mid ah inuu muslimiin ka wada dhigay, ka dibna uu daris kala dhigay qawmiyado muslim ah oo ay wadaagaan dhalasho, dhaqan iyo masaalixba, soomaalida ay is oodxigaana ay is afyaqaanaan.

Qowmiyadahaas waxaa ka mid ah Cafar, Oromo iyo muslimiinta saaxilka Kenya.

Oromada oo ay soomaalida xuduud dheer wada leeyihiin waxaa dhexmari jirey dagaalo meelaha qaarkood mar mar ka dhaca oo run ahaantii aad uga yar dagaalada dhexmara qabaa’ilka Soomaalida, arrintaasna ma saamayn jirin xiriirka walaalnimo, isdhexgalka, waxbarashada diinta iyo is shinsiga.

Waxaa intaa dheer in dawladii soomaaliyeed ay u ahayd shacabka Oromada taageere, difaac dambe iyo hoy aamin ah oo ay kaga gabbadaan cadaadiskii lugu hayey.

Waxaa kale oo xusid mudan in Oromada iyo Soomaalida Itoobiya lugu wada hayey xasuuq iyo cadaadis wayn oo ay ku khasbanaayeen inay isgarabsadaan gaar ahaan jabhadihii labada qowmiyadood ee xaq u dirirka ahaa.

Haddaba waxaa isweydiin leh cidda hurinaysa colaadda labada qowmiyadood ee walaalaha ah gaar ahaan markii dalka Itoobiya isbadalku ka dhacay oo la filayey inay labaduba ka baxaan dulmigii iyo cadaadiskii lugu hayey, ayna isu kaashadaan siday deegaanadooda horumar u gaarsiin lahaayeen?.

Aniga oo jecel in aan mawduucaan iyo kuwa la midka ah dhawr maqaal ka qoro waxaan qormadaan ku soo gabagabaynayaa “soomaaliyeey dagaal aan keenii ahayn yaynaan galin, dad aan inoo furi doonina yaanay inoo rarin, colaadda u dhaxaysa dadkeena iyo walaaleheena aynu xal degdeg ah ka gaarno, fursadaha isbadalka dalka Itoobiya ka dhcayna aynu ka faa’iidaysano”

 

Sh. Axmed Cabdisamad

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker